HomeTurkiga oo Maraykanka ka dalbaday inuu ka iibiyo Gantaalaha Difaaca Cirka iyo...

Turkiga oo Maraykanka ka dalbaday inuu ka iibiyo Gantaalaha Difaaca Cirka iyo Caqabado ku gudban

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost)- Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in uu madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kala hadlay in dalkiisu ka iibsado Maraykanka sawaariikhda difaaca ee Patriot, inkasta oo Turkigu iibsaday gantaalaha S-400 ee Ruushka.

Waraysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Erdogan ku caddeeyey in uu heshiiskaa haloosiga ah si faahfaahsan ugala hadli doono Trump, marka uu New York u tago ka qayb galka shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

“Codsi baan hore ugu diray, waxaanan ku idhi walow aanu boqol sawaariikhda S-400 ah iibsanayno, waxaanu idinkana gaar idiinka iibsan karnaa gantaalaha Patriot. Laakiin waxa kale oo aan u sheegay in aanu doonayno in shuruudaha aan ku xidhayno iibsiga gantaalahaasi aanay ka duwanaan shuruudda aanu ku iibsanay S-400, markaasuu iigu jawaabay ma kaa dhab baa? Ana waxaan ugu hal celiyey dabcan way naga go’antahay” ayuu yidhi Erdogan.

blank

Waxaanu intaa ku daray oo yidhi “arintaa waan u sheegay golaha wasiirrada, markaa heshiiska aanu gelaynaa waa in qodobadiisu ay la mid ahaadaan ka aanu ku iibsanay S-400 oo ay ka mid yihiin in si wada jir ah aan u samayno, in amaah na la siiyo iyo in sidoo kale na la siiyo tas-hiilaad. Hadii ay intaasi suurto gasho waxaanu iibsan doonaa sawaariikh badan oo Patriot ah. markaas ayuu igu yidhi ma kaa go’antahay arintaasi, waxaanan ugu jawaabay haa dabcan waa iga dhab.”

Markii Turkigu sheegay in uu iibsanayo gantaalahaa Ruushku sameeyo, ayaa Maraykanku aad u dhaleeceeyey dalkaas oo ay ku wada jiraan gaashaan buurta NATO.

Washington ayaa laba bilood ka hor sheegtay in ay Turkiga u diidayso iibka diyaaradaha F-35 ee Maraykanku sameeyo oo la filayey inuu iibsado, waxaanay sheegtay in ay ka fiirsanayso cunoqabatayno ay ku soo rogto Turkiga.

Arintani waxay soo baxday iyada oo danaha labada dal isku seegan yihiin gobolka woqooyiga Suuriya, halkaas oo Maraykanku xulafaysi la yeeshay xoogagga Kurdiyiinta oo Turkiguna u aqoonsanyahay in ay yihiin “ururro argagixiso ah”.

In kasta oo Ankara iyo Washington ku heshiiyeen in aaggaa loo sameeyo maamul lagana dhigo “meel milatariga ka caagan” ayaa ahdana waxa weli jira caqabado badan oo hor yaal, wxaanay arimahaasi kalifeen in wasiirka arimaha dibadda, Mevlut Cavusoglu, ku eedeeyo Washington in ay carqaladaynayo heshiiska oo “go’aamo afka baarkiisa ah” uun gaadhay.

Siday u shaqeeyaan gantaalah S-400 ee Turkiga iyo Maraykanku isku seegeen?

S-400 waa magaca guud ee gantaalo kala duwan iyo raadaaro lagu illaaliyo hawada, balse nooc kasta oo uu Turkiga iibsanayo, waxaa meesha ku jirta xaqiiqda ah in hubkan uusan la falgali karin habka nabad gelyada NATO.

Waxaa arrintan ka mid ah in habka raadaarka ee lagu difaacayo gantaalada dhulka laga hago iyo kuwa la’iska soo liishaamo, balse dhibka jira ayaa waxa uu yahay ee ay NATO ka welwelsantahay in habkan loo sameeyay qaabab ku jaan go’an hadba masaafada cirka ee uu gantaalka ku socdo iyo waliba nooca uu yahay, taas oo meesha ka saaraysa in la qiyaasi karo.

Taas waxa ay micnaheedu tahay in haddii mid ka mid ah aad meesha ka saarto qeybaha kala duwan ee uu habkan leeyahay, in difaaca cirka oo dhan uu qalqal gali karo.

Ruushka waxa ay sameeyaan difaac cir oo wanaagsan, balse in qalabkan laga dhaqangaliyo dal NATO ka mid ah waxa loo baahanayaa tabobar cusub iyo waliba kaaliyeyaal ka socda Ruushka oo goobta jooga si ay wax u qabtaan haddii ay wax qaldaan.

Waxaa laga walwalsanyahay waxa saraakiisha Ruushka ay ogaan karaan marka ay rakibayaan qalabkan.

Tan waa waxa aad usii luraya Maraykanka, sababtoo ah Turkiga waxa uu doonayaa in uu hawlgaliyo diyaaradaha F-35 ee uu Maraykanka sameeyay, taas oo Ruushiyaanka ay ogaan karaan sirta ku saabsan samayskeeda.

Dhawr diyaaradood oo noocan ah ayaa kal horeyaba lagu wareejiyay Turkiga, waxaana jira duuliyeyaal Turki ah oo hadda ku tabobaranaya diyaaradahan Maraykanka gudihiisa.

Turkiga waxa uu sheegayaa in halka gantaalada iyo difaaradaha F-35 ay ku shaqayn doonaan ay ka soocnaan doonto meesha lagu hawlgalinayo kuwa Ruushka.

blank
Gantaalaha Maraykanka ee Patriot

Turkiga ka sokoow, Ruushka waxa ay hadda heystaan sifooyin kale oo ay ku helaan xogta Maraykanka, tusaale diyaaradaha F-35 waxaa isticmaala Israa’iil, waxaana macluumaadka habkan casriga ah uruurin kara raadaaraada Ruushka ee Suuriya yaala.

Maraykanka waxa ugu weyn ee ay ka baqayaan ayaa ah in Ruushka uu helo xogaha muhiimka ah ee habka difaaca NATO ee cirka, meesha ay uga soo dhacayaane ay tahay Turkiga oo ay ka iibinayaan gantaalada S-400.

Maraykanka go’aankiisa waa cadyahay, ku simaha xoghayaha difaaca Maraykanka Patrick Shanahan ayaa warqad uu u qorey ragga dhiggiisa ah ee Turkiga u sheegay in haddii ay ka laaban waayaan heshiiska Ruushka, in duuliyeyaasha tabobarka ku jira ay tahay in ay Maraykanka isaga tagaan 31-da July.

Sidoo kale waxa ay gebi ahaanba joojiyeen in qalabkii habka difaaca cirka ee F-35 la geeyo Turkiga. Taas oo kaliya kuma eka, qeybo badan oo diyaaradahan ka mid ah waxaa lagu warshadeeyaa Turkiga, tusaale 937 qeybood oo diyaaradaha F-35 waxaa lagu sameeyo Turkiga qeyb ahaan, balse Maraykanka hadda waxa uu u weecday dalal kale in ay qeybaha kasoo iibsadaan.

Intaas oo kaliya kuma eka arrimaha, haddii Turkiga uu ku adkaysto go”aankiisa, waxaa su’aal la galin doonaa xubinimadeeda NATO.

@BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories