Home"Turki iyo Masar anigu midna dhagaysan maayo, doorashada heshiiskan Waxa leh Shacabka...

“Turki iyo Masar anigu midna dhagaysan maayo, doorashada heshiiskan Waxa leh Shacabka Somaliland” – Guddoomiye Saleebaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay halka uu marayo dhammeystirka heshiiska is-afgarad ee Somaliland la gashay Ethiopia iyo diyaar-garowga Doorashooyinka.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay sheegay in dawladda Itoobiya diyaarinayso dariiqii ay ku aqoonsan lahayd Somaliland, waxaanu shacabka Somaliland ugu baaqay inay garab istaagaan oo meel looga soo wada jeesto ka midho-dhalinta heshiiska Ethiopia.

Guddoomiyaha Guurtida oo warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa, waxa uu soo qaatay dhaq-dhaqaaqyo liddi ku ah heshiiska Ethiopia oo ay ku hawlan yihiin dowladda Soomaaliya oo adeegsanaysa dalalka Masar iyo Turkey.

“Waar Turki iyo Masar anigu midna dhagaysan maayo, doorashada heshiiskan waxa leh shacabka Somaliland iyagaa raba, iyagaa gelaya, haddii dawladaa Itoobiya ina Ictiraaftay waa taynu raadinaynay, ILLAAHAY mahadii weeye, aynu la riixno oo aynu sidaasi kula shaqayano,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan, waxaanu intaas ku daray, “Waxaa kale ee Masar iyo Turkiga iyo Soomaaliya ka hadha, Soomaaliya maxay ka qaban kartaa, afka ayuun bay iska xumaynaysaa inagana nacayb ayuun bay innagu beeraysaa, nacaybkana la qaadan maynee ka hadha oo aynu hawshaasi wada qabsano dad walaalo ah oo Soomaali ah aynu wada noqono.”

Md Salebaan waxa uu sheegay inay la kulmeen guddidii ka soo talo bixinta heshiiska Somaliland iyo Itoobiya kuwaas oo shir-gudoonka iyo ka gole ahaan ba u sheegay inay la socodsiinayaan halka ay wax u marayaan, waxaanu sheegay inay warbixin ka siiyay goobihii ay booqdeen iyo halka ay marinayaan hawlaha loo igmaday.

Dhinaca kale. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland waxa uu u soo jeediyay ururrada Siyaasadda dalka inay u diyaar garoobaan isla markaasina ay galaan doorashada, waxaanu gudoomiyuhu xusay inay ku khasban yihiin inay galaan doorashada, iskana ilaaliyaan wixii khilaaf iyo dib u dhac u keenaya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories