HomeTURKEY: Xisbiga AK Party Oo Ku Guulaystay Doorashada

TURKEY: Xisbiga AK Party Oo Ku Guulaystay Doorashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara(SLpost) – Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee dalka Turkiga ee Madaxweyne Erdogan ayaa gaadhay guul aad u sarraysa doorashadii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday shalay oo Axad ahayd, waxaana guushani xisbigaas u horseedday inuu markale keligiis xukuumad soo dhisi karo.

Dalka ayaa soo maray shan bilood oo qalalaase ka taagnaa ka dib markii xisbina uu heli waayay codad uu ku soo dhiso xukuumad, isla markaana xisbiyadu ay isla fahmi waayeen qaabka ay u soo dhisi karaan xukuumad wadaag ah.

Xisbiga AK ayaa ku guulaystay in 49% kuraastii baarlamaanka kuwaas oo gaadhaya illaa 316 kursi oo ka mida 550-ka kursi ee golaha baarlamaanka dalkaasi ka kooban yahay, taas oo aad uga sarraysa guushii la saadaalinayey markii hore.

Guushaasi ayaa xoojin doonto awoodda madaxweyne Racceb Tayyib Erdogan oo aqlabiyaddaasi uu xisbigiisa helay ku tilmaamay cod loo qaaday xasiloonida iyo farriin loo diray maleeshiyaadka kurdishka ah taasi oo ah in rabshaduhu aysan marnaba la jaan qaadi karin dimuquraadiyadda.

Ahmet Davutoglu waxa uu khudbadii lagu yaqaanay ka jeediyay xarunta xisbiga ee Ankara. Waxa uu taageerayaashooda u sheegay in guul macno weyn ku fadhida ay gaadheen.

Magaalada dhanka bari ku taalla ee Diyarbakir, boolisku waxa ay suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen taageerayaasha xisbiga Kurdiyiinta oo sheegay inay ka niyad jabeen natiijada doorashada.

Dibad baxayaasha dhankooda waxa ay booliska ku tuurayeen dhagxaan iyo baaruud.

Mucaaradka dhankooda waxa ay qirteen in doorashada lagaga adkaaday, waxayna tilmaameen in xisbiga talada haya ay kula xisaabtami doonaan tallaaba kastaa oo uu qaado.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories