HomeTurkey oo Soo Riday Diyaarad Nooca aan Duuliyaha Lahayn Ah

Turkey oo Soo Riday Diyaarad Nooca aan Duuliyaha Lahayn Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara(SLpost)- Turkiga ayaa sheegtay inuu soo ridday diyaarad aan la garaneyn cidda leh oo kusoo xadgudubtay hawada dalkaas ee dhinaca xuduudda Syria.

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay milatariga Turkiga, ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay iska indha tirtay saddex digniin oo la siiyey, kahor inta aysan milatariga Turkiga soo ridin diyaaraddaas maanta oo Jimce ah.

Taleefishinka Turkiga ee NTV ayaa sheegay in diyaaraddu ay ahayd midda la hago ee aan cidna wadin, laguna soo riday hawada Turkiga, meel saddex KM u jirta xuduudda Syria.

Sarkala aan la magacaabin oo Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay rumeysan yihiin in diyaaradda uu lahaa Ruushka, hase yeeshee wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxa ay sheegtay in dhammaan diyaaradaheeda howlgallada ka wada Syria ay si nabad galyo leh ugu soo laabteen saldhigyadooda.

Turkey ayaa horey usoo ridday diyaarad laga lee yahay Syria oo kusoo xadgudubtay hawadiisa, isaga oo sidoo kalena ka ashtakooday laba xadgudub oo diyaaradaha Ruushka ay ku sameeyeen hawadiisa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories