HomeTurkey oo noqday Dalkii u horreeyey ee safiir u magacaba Falastiin

Turkey oo noqday Dalkii u horreeyey ee safiir u magacaba Falastiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ankara (SLpost)- Wadanka Turkey ayaa noqday wadankii ugu horeeyey ee  safiir u magacaaba  wadanka Falastiin, kadib markii ergaygii u fadhiyay Ramallah, Şakir Özkan Torunlar  uu warqadii magacaabistiisa hor dhigay madaxweyne Mahamuud Abbas maalintii Axadii aynu ka soo gudubnay.

Markii qaramada midoobay u codeeyeen in Falastiin loo ogolaado inay dowlad goob jooge ah ka ahaato QM, ayaa dawladda Turkigu Torunlar si rasmi ah ugu magacawday safiirkii ugu horeeyey ee Turkey u fadhiya Falastiin.

Codaynta UN-ta ka hor, Torunlar wuxuu ahaa madaxa qunsuliyada Turkiga ee magaalada Jerusalem. Isagoo markii dambena si buuxda u qaatay cinwaanka safiir buuxa oo falastiin u fadhiya Turkey. Sidaas ayaanu ku noqday, safiirkii ugu horeeyey ee wadan ajaanib ah ee si caadi ah u aqoonsada Falastiin.

Torunlar waxaa si rasmi ah loogu magacaabay masuulka ugu sareeya qunsuliyada guud ee turkigu ku leeyahay Falastiin sanadii 2010 kii.

sakirFalastiin ayay qaramada midoobay kor u qaaday mansabkii ay ku joogtay qaramada midoobay, waxaana la gaadh siiyey wadan goob jooge ka noqda fadhiyada goluhu yeelanayo, kadib markii ay codkooda siiyeen 138 dowladood, 9 dowladood oo kali ahina diideen , intii kalena ka aamustay,  xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka oo tiradoodu 193 wadan tahay, iyadoo wadanka Turkiguna door fir fircoon ka ciyaaray taageero u raadinta aqoonsiga Falastiin dowladnimadeeda ee beesha caalamka dhexdeeda.

Turkigu wuxuu Falastiin u aqoonsday wadan-nimadeeda sanadii 1988 kii, waxaanu ergaygii ugu horeeyey u dirsaday 2005 tii.

Xukuumad Turkiga ayaa carqalad ku noqotay waan-waantii nabadeed ee uu Maraykanku ka dhex waday Israel iyo Falastiin, kadib markii ay Turkiga iyo Israel isugu dhaceen qalalaasihii ka dhashay diidmadii Israel diiday inay raali galin ka bixiso weerkii markabka Turkiga ee caaimada u siday Falastiin ee Israel duqaysay 2010 kii. Taas oo cirka ku shareertay xidhiidhkii labada wadan. Ilaa wakhtigaasna dowlada Maraykanku waxay rumaysnayd in Turkigu yahay caqabada kaliya ee hor taagan heshiis nabadeed oo lala gaadho ururka Xamaas.

Si lama filaan ah wuxuu xidhiidh kii labada wadan ee Israel iyo Turkey caadi kusoo noqday saddex sanno kadib, markii Israel raali gallinta ka bixisay bishii March 22 keedii, iyadoo falkii xidhiidhka xumeeyayna ugu yeedhay “ inuu ahaa Howl gallo qalad u dhacay kaas oo horseeday dhimasho” Markabki Gaza u siday caawimada May 2010 , ee Mavi Marmara.oo ay ku naf waayeen siddeeda qof ee Turkida ah iyo qofka American- Turkiga ahi, xiligaas oo Turkey kala baxay safiirkeedii u joogay Israel , soona eriday kii Israel ka joogay Turkey, isla markaana xadhiga u jartay xidhiidhkii milatari ee ay la lahayd Israel, kadib markii Israel Diiday inay magdhowgii bixiso raaligalina ka bixiso falkaas.

Ra’iisal wasaare Erdoğan ayay u qorshaysan tahay inuu booqasho ku tago dhulka ay Falastiin maamusho oo ay ku jirto Gaza, si uu usoo indho indheeyo xaalada go’doominta Israel ee marinka Gaza. Wuxuu ra’iisal wasaaruhu shaaciyey inuu Falastiin booqasho ku tagi doono kadib marka uu soo dhamaysto safarka uu kula kulmayo madaxweynaha Maraykanka Barack Obama magaalada Washington, May 16 keeda.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories