HomeTunuusiya Oo Mudaharaadyo U Eeg Kuwii Xukuumadii Hore Lagu Riday Ay Gilgileen

Tunuusiya Oo Mudaharaadyo U Eeg Kuwii Xukuumadii Hore Lagu Riday Ay Gilgileen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Tunisiya(SLpost)-Dibadbaxyada shacabka ee dalka Tunisiya ayaa waxa ay ku sii fidayaan dhammaan magaalooyiinka dalkaasi. Xalay, rabshado u dhexeeyay booliska iyo isu soo baxayaasha ayaa waxa ay gaadheen caasimadda dalkaasi ee Tunis.

Markii hore waxa ay mudaaharaadyada ka bilowdeen magaalada ku taalla bartamaha gelbeedka ee Kasserine ee ku dhow xadka Algeria. Dadka waxa ay dalbanayaan shaqo abuuris, hormar iyo baaritaan lagu sameeyo musuq lagu eedeeyay saraakiisha maamulka deegaanka.

Magaaladaasi waxaa xaalad degdeg ah lagu soo rogay talaadadii, waxaana la saaray bandow. Dibad baxyada hadda ee Tunisiya waxa ay soo jiidanayaan dareenka xasuusta isu soo baxyadii 2011kii ee xilka lagaga tuuray maamulkii waqtiga dheer dalkaasi ka jiray ee Zine Al-Abedine Ben Ali.

Mudaaharaadyada hadda waxa ayu ku fideen badhtamaha illaa koofurta iyo waqooyiga maalin gudaheeda. Habeenkii khamiista, saraakiisha amniga waxa ay sheegeen in qeybo ka mid ah caasimadda dalkaasi ay dibadbaxyo gilgileen.

Waxaa ay sheegayaan in dadka qaar ay iskudeyeen inay jebiyaan oo ay bililiqeystaan xarumo ganacsi, taas oo dhalisay in ciidamada amniga iyo dadkaasi ay isku dhacaan.

Magaalo ku taalla koofurta dalka waxa la gubay laba saldhig boolis iyo todobo gaari oo nooca ciidamada ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha. Magaalooyiin kale oo dhowr ah, dad ayaa jidadka isugu soo baxay, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Maamulka hadda dalkaasi ka arrimiya waxa uu codsanayaa in waqti loosiiyo isbedel ay ku sameeyaan xeerarka qaar si wax looga qabto shaqa la’aanta heerkeedu sareeyo ee Tunisiya.

Isu soo baxyada waxa ay ka dhasheen kaddib markii wiil yar oo ku sugan Kasserine uu ku hanjabay inuu isdilaayo markii warqadihiisa codsiga shaqada la diiday. Si aan ulakac ahayn ayey koronto u qabsatay kaddib markii uu isku deyay inuu ka soo boodo tiir koronto.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories