HomeTUKAANKII XIKMADDA (Sheeko xikmadeed)

TUKAANKII XIKMADDA (Sheeko xikmadeed)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxwaynaha Ayaa u soo Baxay suuqa si u soo indho indhodheeyo suuqa iyo kala iibisiga badeecadaha Hase ahaate waxuu la kulmay tukaan duug ah oo aan haba yaraate wax alaab ahi aan dhex oolin Marka laga reebo laba loox, oo uu dhex fadhiyo oday da’diisu aad u wayntahay Wuu soo galay salaan diiraan iyo soo dhawayn kadib odaygii ayuu suaal waydiiyay Suuqii Waad soo Gashay Maxaad la timid inaad ka ganacsato? Odaygii ayaa ugu jawaabay Si kalsooni iyo daganaan faro badan ka muuqato kuna idhi Waxaan iibinaa waxa suuqa yaala waxa ugu fiican uguna qaalisan!
Madaxwaynihii oo u haysta inuu ku dheeldheelayo odaygu ayaa ugu jawaabay  Miyaad Hubtaa?
Odaygii ayaa ugu jawaabay Haa waa Hubaa.

Madaxwaynihii oo la yaaban kalsoonida intan leeg ayaa ku yidhi oo hadmaan tukaanka ku arkayaa alaab aan ahayn laba loox oo gaboobay mooyee? Odayagii oo Dhoola Cadaynaya ayaa yidhi Mudane Aad ayaan uga Faaiday Looxaantan Waana Qaali. Madaxwaynihii ayaa Loox ka mid ah looxyadii kor u qaaday oo ka masaxay Boodhkii waxaanu arkay qoraal ku qoran oo ah (KA FIIRSO INTA AANAD FALIN). Xoog ayuu uga dhugtay qoraalkii kadib wuxuu idhi Imisa ayaad siinaysaa? Odaygii ayaa ugu jawaabay 1milyan. kadib buu Madaxwaynihii Qosol ku dhuftay ilaa uu gaadhay heer uu ilmeeyo. Wax ay isku diidaan qiimaha Madaxwaynihii Ninkan kama helin wax aan qosol ahayn iyo layaab waxaanu u maleeyay ba inuu odaygu waalan yahay Waxa uu go’aansaday inuu ka tago kadib wuxuu filayay inuu odaygu ka daba yeedho, odaygiina ismaba wareerine aayar ayuu iska fadhiistay kursigiisii. Wax uu Madaxwaynihii suuqii Wareego wuxuu xasuusanayay xikmadii Ahayd(KA FIIRSO INTA AANAD FALIN).

Waxba yaan hadal kugu daaline madaxwaynihii wuu ku soo Noqday waxaanu Go’aansaday inuu Iibsado Looxaas. Odaygii ayuu kusoo Noqday inta aanu ka iibsan ayuu odaygii idhi Hal Heshiis uun baan kaaga iibinayaa
Madaxwaynihii: Haye waa maxay?
Odaygii: Waa Hadii aad odhaahdaa ku Qorayso Albaab walba iyo shay walba oo gurigaaga Yaala. Madaxwaynihii Waa Ka aqbalay arrinkaas.
Kadib Waxa uu ku qoray Meel walba oo Qasrigiisa ah.
Wakhtigii Wuu isguray Ayaamuhu Xoog Ayay u socdeen Waxaa ka soo wareegtay Bilo.
Abaanduulihii Ciidanka ayaa Go’aansaday inuu Madaxwaynaha ka tuuro xilka oo isagu la wareego Hasa ahaate waxaa isaga iyo kooxdiisi ay isla Garteen in madxwaynaha ay shirqool dil u dhigaan, Waxay Fikiraanba waxa la isku raacay in Rayiislaha Madaxwaynaha ay u adeegsadaan dilkiisa waayo isagu Sakiin ayuu ugu Xiiraya inuu Gawracana way U Fududahay! Rayiislihii ayaa loo Sheegay arinkaasi kadibna isagoo Oo ka Walaacsan ayuu aqbalay.
Waxa La gaadhay maalintii loo Balansanaa in dilka la fuliyo Rayiislihii ayaa Qasrigii imid isagoo ay ka muuqato Jahwareeer aad u fara badan kadibna markuu soo galayba waxuu arkay albaabka oo ay ku qorantahay (KA FIIRSO INTA AANAD FALIN). Kadib caloosha ayaa hurtay Haddana marlabaad ayuu Arkay Isla Qoraalkii Wuu Naxay kadib wuxuu is waydiiyay maxaa looga Jeedaa?. Waxuu is idhi bilaw xiiritaanka kadib wuxuu arkay Kursigii uu ku fadhiisan lahaa madaxwaynuhu oo ay ku Qorantahay(KA FIIRSO INTA AANAD FALIN) kadib aad buu naxay ilaa u dhidid Hooray kadib wuxuu Fur is idhi Sanduuqii Qalabka xiiriida ku jireen oo ay isna ku Qorantahay (KA FIIRSO INTA AANAD FALIN) kadib Buu Is idhi waa lagu ogyahay oo Waxan oo qoraal ahi aday kugu socdaan kadib buu go’aansaday inuu Fashiliyo waanu Fashiliyay oo wuu isdhiibay waanu sheegay xaqiiqadu siday ahayd kadib Abaanduulihii ciidanka ayaa gacanta lagu dhigay oo la xidhay, Isagiina Cafis ayaa loo fidiyay.
Madaxwaynihii oo ogsoon in Xikmadii uu tukaanka ka soo iibsaday ay Dil ka badbaadisay ayaa go’aansaday inuu dib ugu Laabto Odaygii iyo tukaankiisii si uu uga soo iibsado xikmado kale Abaalmarina u geeyo.
Nasiib Daro markuu Suuqa tagay ayay Dadkii suuqa joogay u sheegeeen inuu Odaygii Geeriyooday!

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories