HomeTrump oo Xil-wareejinta ka hor macasalaameeyey Aqalka Cad iyo Caleemo-saarka Madaxweynaha Cusub...

Trump oo Xil-wareejinta ka hor macasalaameeyey Aqalka Cad iyo Caleemo-saarka Madaxweynaha Cusub oo la sugayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Washington (SLpost)- Madaxwaynaha muddo-xileedkiisu maanta dhammaaday ee Mareykanka Donald Trump, ayaa iska soo duubay khudbadiisii maca-salaameynta Aqalka Cad ka hor intii aanu u dhoofin gobolka Florida oo ku beegnayd saacado ka hor munaasibadda caleemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

blankDonald Trump waxa uu khudbaddiisa ku sheegay inuu qabtay wixii loogu doortay madaxweyaha Maraykanka, isagoo yidhi, ”Waanu sameynay wixii aanu u nimid in aan sameyno iyo ka badan-ba.”

Muuqaal la soo galiyay barta Youtube-ka, waxa uu ku sheegay in uu galay dagaalkii ugu adkaa oo sababtiisu ahayd gaadhista wixii loo doortay.

Mr Trump ilaa iyo imika si rasmi ah uma aqbalin natijadii ka soo baxday doorashadii Mareykanka ka dhacday bishii November ee sannadkii hore ka dhacday dalkaas taas oo uu ku guulaystay murashaxii xisbiga Dimuqraadiga.

Mr Biden ayaa maanta oo Arbaca ah galinka dambe xilliga dalka Maraykanka loo dhaarinayaa xilka madaxwaynanimada, laakiinse Mr. Trump kama qaybgeli doono xaflada dhaarinta iyo caleemo-saarka madaxweynaha cusub.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay mudda-xileedka madaxwayne Trump waxaa hadheeyay fadeexado ka soo if-baxay weerarkii taageerayaashiisu ay ku qaadeen dhismaha Aqalka Congresska ee Capitol Hill.

Haseyeeshee, Trump waxa uu weerarkaasi mid aan loo baahnayn ku tilmaamay saacadii u dambeeyey ee muddo xilleedkiisa maanta dhammaaday.

Xasilooni-darradii iyo cadhadii uu Trump ka abuuray Aqalka Cad waxay isugu soo ururtay weerarkii labo toddobaad kahor loo geystay Capitol Hill, taas oo sida la saadaalinayo cadhadii ka dhalatay ay muddo qaadan doonto in la daweeyo.

blank
Fagaaraha lagu qabto Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha Maraykanka. Muuqaalka Xafladdii Dhaarinta Barack Obama 2009

Kaddib afar sano oo uu xilka hayey, Trump wuxuu dowladda Mareykanka ka tegayaa iyadoo beddelan. Taasina waa ugu yaraan in uu fuliyey ballanqaadkii uu sameeyey.

Mr Biden iyo xaaskiisa Jill Biden ayaa Salaasadii ka tegay gurigooda ku yaalla gobolka Delaware si ay ugu laabtaan caasimadda Washington, halkaas oo uu xildhibaan aqalka Odayaasha ah ka ahaa 36 sano ka hor intii aanu madaxweyne ku xigeen u noqon Barack Obama intii u dhaxaysay sannadkihii 2008-kii ilaa 2016-kii.

Biden waxa uu maanta tegi doonaa Aqalka Cad, kadibna waxa uu u sii gudbi doonaa Capitol Hill oo ay ka dhacayso xafladda caleema-saarka saacaddu marka ay tahay 12:00 duhurnimo saacadda dalka Maraykanka oo ku beegan 8:00PM Caweysnimo ee saacadda Bariga Afrika.

Waxa lagu wadaa inuu dhaco Waa caleema-saar ka duwan kuwii hore, maxaa yeelay waxa aad loo adkeeyey Ammaanka caasimadda Washington kaddib weerarkii Capitol, iyadoo halkaas la geeyay kumannaan Ciidanka Ilaalada Qaranka ah.

Dad kooban ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan National Mall si ay goobjoog uga noqdaan dhaarinta, iyadoo ay markii hore ka qeybgeli jireen boqollaal kun oo qof.

Dadka aan ka soo qeybgeli doonin waxaa ka mid ah Mr Trump oo saaka u duulay gobolkiisa Florida, wuxuuna noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee aan ka qeybgelin caleema-saarka madaxweynaha xilka kaga guuleystay tan iyo madaxweynihii la odhan jiray Andrew Johnson sannadkii 1869-kii.

Sida ay sheegayaan Dadka u dhuun-daloola siyaasadda dalkaas, tan ayaa ka dhigan in Taariikhda Maraykanka ee daah-furnaanta Doorashada iyo isbedellada hoggaamintu dib u noqotay 152 sannadood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories