HomeTrump oo balan qaaday in uu soo celin doono nashaadkii Maraykanka

Trump oo balan qaaday in uu soo celin doono nashaadkii Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
President Trump

USA(SLpost) Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa balan qaaday “in uu soo celin doono” nashaadkii Maraykanka, isaga oo khudbaddiisii u horaysay u jeediyay aqalka Congress-ka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu bog cusub u furi doono dalkiisa.

Trump ayaa cambaareeyay burburkii loo gaystay xabaalaha Yuhuudda iyo falkii nacaybka ahaa ee dhawaan lagu dilay ninkii Hindiga ahaa ee ka dhacay Kansas.

Khudbaddiisan ayaa looga gol leeyahay in wax lagaga badalo dadka badan ee ay ka daadagi la’dahay madaxtinimada Trump.

Khudbadda madaxweynaha oo saacad socotay ayuu ku sheegay in dalkiisu uu yahay mid ku midooba cambaaraynta ficilada nacaybka ku salaysan.

Waxaa kale oo uu difaaacay carabkana ku adkeeyay ka bixitaanka Maraykanka ee heshiiska ganacsiga ee Trans-Pacific Partnership, iyo amarkiisii ahaa in darbi laga dhiso xadka Maraykanka iyo Maksiko.

Marwada koobaad ee Maraykanka Melania Trump midig oo khudbadda joogta

Waxaa kale oo uu ka hadlay in ay macquul tahay is badal dhab ah oo wanaagsan lagu sameeyo hanaanka socdaalka, saacado uun ka dib markii uu saxafiyiinta Aqalka Cad ugu sheegay in laga yaabo in uu sharciyo siiyo soo galootiga aan sharciyada haysanin, taas oo tilmaamaysa in uu isbadal ku sameeyay siyaasadiisii hore.

Wuxuu xildhibaanada u sheegay in shuruucda socdaalka oo la dhaqan geliyo ay horseedi doonto in ay sare u qaadaan dhaqaalaha dadka dalka soo gala, in la caawiyo dadka shaqo la’aanta ah, in la badbaadiyo balaayiin doolar, iyo bulshooyinka oo dhan ay nabad ku naaloodaan.

Madaxweyne Trump oo u muuqda in uu isha iska sii marinayo khudbadda ka dib markii uu ka baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka isaga oo ku sii jeeday Congress-ka.

Waxyaabihii kale ee Trump uu ku soo qaatay khudbadda:

  • Trump wuxuu yiri Maraykanku “wuxuu aad u taageersan yahay Nato”, laakiin dalalka xubnaha ka ah waa in ay “ka soo baxaan masuuliyadda dhaqaale ee saran”
  • Wuxuu baarlamaanka ka dalbaday “in ay go’aan qaataan ayna meesha ka saaraan oo badalaan hanaanka caafimaadka ee Obamacare, iyadoo salka loo dhigayo hannaan adeeg caafimaad u saamaxaya dadka midka hadda jira isticmaala.
  • Trump wuxuu ballan qaaday “canshuur dhimis ballaaran in uu u sameeyo dadka dabaqadda dhexe ah, inkastoo uusan faahfaahin badan ka bixinin.
  • Aqalka Congress-ka ayuu waydiistay in ay meel mariyaan hal tirilyan oo doolar oo loo adeegsado kaabayaasha dhaqaalaha.
  • Madaxweynaha ayaa aad loogu sacabeeyay markii uu dhaliilay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka isaga oo ballan qaaday in uu adduunka ka cirib tiri doono.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories