HomeTolow Yaa Innoo Maqan?

Tolow Yaa Innoo Maqan?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dhulkan yaaleh? Dalkan dadkiisi  halkey mareen? miyey dabar go,een? Malaa waaney dhalninba?! Bal adba, Waxid iyo wadarba umaduhu waxey ka simanyihiin lexejeclada iyo u habrashada deegaankooda waxey u tafa xaytaan sidii ay u ilaashan lahaayeen.

Halka inaguna aynu iska kaashano baabi,inta iyo bahdilaada deegaankeena, waa run biyo kama dhibcaan ah ineynu  ka adagnahay intaa oo qofkii isku daya inuu bac meel taala ka qaado aflagaado iyo cay buu kala kulmaaba oo mid wax ka sheega oo canbaareeya lama waayo.

Dhulkaagu wuxu kaga duwanyahay dhulalka kale, illahay sokadii adiga ayaa leh oo maamulanaya oo dayactiranaya halka dhulkale oo aanad dad iyo duunyo toona kulahayn aad ku tahay dulin amaba ku dul-noole oo haddba sidii la doono lagaa yeeli karo.

Waxaad haybad, bili iyo buruudba ku haysataa waa dhulkaaga hooyo, intaasi hadday kuu dhaadhacday waa inaad isweydiisaa, maxuu kaa mudanyahay deegaankaaga, dalkaaga iyo dadkaaguba? Wakhtiyada qaar marka aad dirawaladda ku tiraahdid “wadaddan aad dhex taagantahay gees uga istaag umaddu hakala socotee” waxaa qaar kamida kasoo yeedha “oo hadaanan wadada xidhin inaan dhalad ahayba miyaa lay garanayaa”.

Ma jeclid inaad meel is dhextaala oo sal ilaa baar isku jaan rogan, qashin iyo qudhuna ka buuxo aad ilbidhiqsi ku nagaadid amaba aad ka dhigatid hoyagaagi, oo waabari ilaa gabal dhac waxa wakhti badan lagu lumiyaa in aynu hoygeena kala nidaamino oo kadhigno mid lagu sal dhigi karo naftuna ku raaxaysato, halka qolqoladeena, wadooyinkeena, suuqyadeena iyo meelaha caamka ahna ay buux dhaafiyeen qashin iyo uskag aan laga digigixoonaynin waba tii lasheegayey “ bakhtiga ma cunee fuudkiisan cabaa” uskaga ma jecliye waan ag fadhiistaa.

Hadal badan haamo lagama buuxsho,e hadalka obocdiisu waxa weeye  cid inooma maqna ceelna inooma qodna,e bal aynu sidan isku dhaano oo wadankeena lexejeclo haynaga gasho oo danta guud haloo tafa xayto .

Gabagabo mudane/marwo diyaar ma u tahay inaad ka qayb qaadato mashaariic iskaa wax u qabso ah oo kor loogu qaadayo bilicda deegaankeena?

 

Hibo Ciise Maxamed(Basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories