HomeTolo Ku Socota Dadka Hantida Leh ama Maalqabeenada Somaliland - W/Q: Cabdiraxmaan...

Tolo Ku Socota Dadka Hantida Leh ama Maalqabeenada Somaliland – W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ifkaa wax la sii horumarsadaa: Adoomuhu ifka inta la joogo ayay isku baahanyihiin  inay sanduuqa aakhiro wax ku sii ritaan, iyada oo ay tahay Xikmad Rabaaniya in la kala fadilay adoomaha Ilaahay oo qaarna aduun iyo hanti la siiyay qaarna aanay waxba haysan balse waa xikmad rabaaniya oo kani hantida haysta laftigiisa lagu imtixaanayo bal inuu garto xikmada ku jirta Hantida la siiyay, iyo iyada oo  uu Ilaahay awoodo inuu  siiyo kani Faqiirka ahba balse ay tahay Xikmad in dadka qaarna hanti la siiyo oo loo fududeeyo wadada ay ku  kasbanayaan, qaarna lagu adkeeyo nolosha oo laga dhigo qaar ku hoos nool dadka Ilaahay hantida siiyay. Balse xikmada kale ee ku jirtaa ay tahay  in Ilaahay ku eegayo bal inuu Hantidiisa wax ka bixiyo oo uu siiyo dadka faqorada ah ee la nool. (haka caajisin inaad wada akhrido maqaalkan).

Maanta dalkeena waxa badan foqorada aan waxba haysan ee ubadkoodu iska silcayaan ee aan hadana cidna waxba waydiisan ee ka xishoonaya wax waydiisiga, ee marka aad u kuur gasho guryaha qaarkood ay cibro kuu kordhayso nolosha ay ku noolyihiin balse aanay cidiba ka warhayn. Qoflka ilaahay wax siiyay waxa haboon inuu la socdo xaalada nololeed ee dadka jaarkiisa ahi ku sugan yihiin si uu u noqdo qof ku mahadnaqa barwaaqada ilaahay siiyay iyo inuu sadaqad kala baxo xoolihiisa si uu dadkaas Ilaahay ku eegayo wax uga siiyo hantidaas fadliga eebe lagu siiyay.

Hadii aad tahay Maalqabeen ku nool Somaliland ama meel kaleba haku faanin inaad maalka aad haysato aad ku heshay kartidaada, aqoontaada iyo xirfadaada balse imisa aqoon leh, xirfad leh, awood leh oo aan hadana haysan wax aduun ah. Waligaa ogow inaad noqoto mid Ilaahay ugu mahadnaqa maal aad haysato oo aanad cidna ugu mano sheegan inaad awoodaada iyo aqoontaada ku keentay. Balse marwalba badi mahad naqa oo noqo qof soo jeeda oo hareerihiisa fiirfiiriya, hadaad sidaas yeesho cibro ayaa kuu kordhi waxad ogaan nolosha dhabta ah iyo meesha aad u socoto halka ay tahay oo Aakhiro ah, markaas waxad noqon qof wax la baxa oo nolol ogaada dadka faqorada ah oo aan iska waynaysiin balse macooga ah. Ha is odhan maalkaaga sii khordhi oo qudha balse qorshe samayso aad kula baxayso sadaqada, sideedaba sadaqadu maaaha inaad dadka wax siiso oo qudha balse waxa sadaqada jaariya ah sida inaad Masaajid dhisto, Wado samayso, meel lagu ooman yahay aad ceel biyood ka samayso (Barkad, Balay biyood, Ceel riig ah oo aad u qodo iwm), Madarasad, dad danyar oo ah oo aad hoy ama guryo u dhisto si Ilaahay maalinta qiyaamaha guri janada kaaga dhiso iyo inaad acmaashan ikhlaas aad ku qabato adiga oo aan cidna waxba kaga doonayn.

Hadii aakhiro loo hayaamo, haba yaraatee waxba la isma tari karo, Maalinta Qiyaamaha ayuuna  ka murugoonayaa qof waliba inaanu xoolihiisii sadaqad kala bixi jirin si uu uga badbaado Cadaabka Alle. Hadaba hadii Ilaahay ku siiyo aduun ama Xoolo waxa haboon inaad maanta wax kala baxdo, uma jeedo inaad bixiso Sakada taasi waa waajib Alle ina saaray inuu qof waliba xoolihiisa ka bixiyo, balse taa aan ka hadalayaa waa Sadaqada iyo inuu qofku noqdo qof soo jeeda oo fiirfiiriya nolosha ay ku noolyihiin dadka faqiirka ah si aad ugu cimro qaadato oo aad sadaqada ula baxdo. Waxa la ogyahay inaanay Sadaqadu Hantida qofka waxba aanay ka nusqaamin oo Ilaahay meel kale kaga soo daro hantidiisa,  loona barakeeyo Hantidiisa.

Markaa hadii aad tahay qof ilaahay wax siiyay, ha isku ilaawin nolosha aduunyada, hana is odhan sii kordhi balse intaad fursada haysato wax kala bax hantidaada. Ogow maalin walba saxaafada waxa lagu soo qoraa arimo argagax leh oo ku dhacday dad foqoro ah sida dad xanuunsanaya oo aan haysan xitaa wax dhakhtar ay ku geeyaan qof ehelkooda ah oo u baahan aduunyar oo lagu badbaadiyo noloshiisa. Noqo qofka ugu horeeya ee qaata ajrigaa weyn oo badbaadi noloshiisa. Adigana Aakhiro iyo aduunba Ilaahay ayaa ku badbaadin maalin aad ka baahi badan tahay xitaa qofkan aad caawisay ee aduunka jooga. Ilaahay wuxuu yidhi SWT. “Qofka badbaadiya nolosha qof kale  wuxuu ka dhigan yahay qof badbaadiyay dadka oo dhan”

ILAAHAY KHAYRKA HA INA WAAFAJIYO

C/raxmaan Maxamed

Hargeisa-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories