Home"Tolka aad leedahay waa sharciga iyo xeerka, haddii aanad qaldanayn oo.." Madaxweyne...

“Tolka aad leedahay waa sharciga iyo xeerka, haddii aanad qaldanayn oo..” Madaxweyne Biixi oo Kulan la Qaatay Maayarrada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay maayarrada la doortay ee 23-ka degmo-doorasho ee dalka.

Kulankan oo nuxurkiisu ahaa xoojinta iyo der-dergelinta wada-shaqaynta dawladaha Hoose iyo dawladda dhexe, waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo Hoggaanka Kulmiye, isla markaan noqonaya kulankii u horreeyey ee ay madaxweynaha iyo maayarradu wada yeeshaan, ayaa si qoto dheer la isugu xogwaraystay, waxana diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu abuuri lahaa jawi wada-shaqayneed oo lagu dhaqaajiyo hawlaha qaranka iyo waajibaaddada saaran maayarrada dalka.

blankUgu horrayn wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dawladaha Hoose, Mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo hadalka furay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha maayarrada ah ee degmooyinka dalka, waxana xusay inay meel wanaagsan marayso wada-shaqaynta dawladaha Hoose iyo dawladda dhexe.

Xubno kamid ah maayarrada degmooyinka kala duwan ee dalka oo halkaas ka hadlay, ayaa si habsami leh uga warramay xaaladda degmooyinka ay madaxda ka yihiin iyo sida ay baahida ugu qabaan in lasii xoojiyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin dawladda dhexe ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay niyadsami ku qabaan in lasii xoojiyo isku duubnidaas iyo wada-shaqayntaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo xubnaha maayarrada ah u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabnaysa, ayaa si waayeelnimo leh u hogo-tusaaleeyey sidii ay wada-jir ugu diyaargaroobi lahaayeen masuuliyadda saaran, natiijo fiicanna ay ka keenaan waxyaabaha ay bulshadu ka filayso ee dhinacyada horumarka adeegyada Aas-aasiga ah.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha maayarrada ah kula dardaarmay inay amniga iyo nabadgelyada deegaannada ay muhiimad gaar ah iska saaraan, si ay qorsheyaashooda waaweyn u hirgeliyaan, bulshadana uga helaan gacan iyo taageero buuxda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha maayarrada tusay culayska waajibaadka saaran iyo sida loogu baahan yahay inay is ururiyaan, qawlkooda iyo ficilkooduna noqdaan qaar is waafaqsan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,”Maayarow maalintaad xil qaadday xuquuq badan oo aad lahayd baad weyday, hadalkaagu waa xaddidan yahay, dhaqankaagu waa xaddidan yahay, goobtaad tegaysaa way xaddidan tahay, waxaad qabanaysaana way xaddidan tahay.”

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in maayarradu haystaan awoodo qeexan oo uu siinayo sharciga dalku, islamarkaana ay dawladda dhexe leedahay door ay ku hubin karto xaalad kasta oo laga sheegto maayarrada, amarka maayar la’aantiina aanay wax fadhi ah yeelan karin,“Tolka aad leedahay waa sharciga iyo xeerka, haddii aanad qaldanayn oo aad wax wanaagsan waddo ninkii aad dooddeen xagga sharcigaad kaga baxsan kartaa, sharciguna waa cadyahay oo golaha deegaanku wuxuu fadhiisan karaa marka uu oggolaado badhasaabku, dawladaha Hoosena waxay curin karaan xeer iyo sharciyo ay leeyihiin, markaa xeerkaagu adiguu kuu gaar yahay, haddii uu kii dawladda dhexe kaa horyimaaddo waad joogsanaysaa, maxaa wasaaradda loo siiyey awooddaas? Waxa loo siiyey inay eegto qaladaadka ka yimaadda dawladaha Hoose,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu xubnaha maayarrada ah kula dardaarmay inay noqdaan hoggaamiyayaal la mahadiyo oo taariikhdu berri xusto, islamarkaana ka taga taariikh cuddoon oo halqabsi wanaagsan noqota.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories