HomeTogdheer: Wasaaradda Diinta iyo AwQaafta oo si Rasmi ah u bilowday Diiwaangelinta...

Togdheer: Wasaaradda Diinta iyo AwQaafta oo si Rasmi ah u bilowday Diiwaangelinta Madarasadaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer maanta si rasmi ah uga bilawday diiwaangelinta maddarasadaha Qur’aanka iyo cumuumta diiniga ah, taasoo laga soo dhammaystiray gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil.

diiwaangelinta madarasadaha burco togdheer
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, Guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, Taliyaha qaybta Booliska gobolkaas Gaashaanle Axmed Aw Cali Shabeel, Masuuliyiinta kale oo Wasaaradda ka tirsan, Mulkiilayaasha iyo Maamulayaasha Maddarasadaha diiniga ah ee Burco iyo nawaaxigeeda, ayaa ka qaybgalay munaasibadda loo sameeyey bilawga diiwaangelinta Maddarasadaha Togdheer oo maanta lagu qabtay xarunta maamulka gobolka ee magaalada Burco.

 

Waxa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey diiwaangelinta maddarasadaha iyo muhiimadda ay u leedahay dalka iyo dadka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta Aadan Cabdillaahi, waxaanu sheegay in la doono inay dawladdu ku ogaato tirada iyo tayada Maddaariska iyo guud ahaan xogta muhiimka ah ee Maddarasad kasta, si baahiyohooda guudna loogu saleeyo jawaabaha ay Wasaarad ahaan iyaga oo xukuumadda ka wakiil ah wax ugu qaban doonaan, sida tabobbarrada iyo taageerooyinka kale ee muhiimka ah oo ee ay heli doonaan Maddaariska iyo Jimciyadaha buuxiyey Shuruudaha looga baahan yahay.

 

“Hawshan aynu wadnaa waa in diiwaangelinta Maddarasadaha, Macallimiintooda iyo Dalladaha ay Maddarasaduhu ku midoobeen ee dalka oo dhan la diiwaangelinayo, Hargeysa iyo Berbera (Maroodi-jeex iyo Saaxil), waannu soo dhammaynay. Hawshan oo ah hawl qaran, oo aannu wasaarad ahaan u aragno waajib dastuuri ah oo aynu ku waynayno Kitaabka Qur’aanka ah. Waxaad is-weydiinaysaan waa maxay ujeeddada loo diiwaangelinayo Maddarasadaha?” ayuu yidhi agaasimaha guud.

 

Agaasime Aadan waxa uu intaa ku sii daray; “Ujeeddadu waa saddex faa’iido, 1 inaannu ogaanno xogta, tayada iyo tirada maddaariska. 2 inaannu ogaanno tayada Macallimiinta maddarasadaha. 3 in Manhaj midaysan loo sameeyo maddarasadaha, kaas oo socda, ka yimaadda Culimada iyo Macallimiinta iyo dawladda oo wada qaadan doona. Markaa, wasaaraddu waxay maamuli doontaa oo ay tabobbarro u samayn doontaa Macallimiinta maddaariska.”

 

Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi iyo Taliyaha Qaybta Axmed Aw Cali Shabeel, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana sheegay inay soo dhawaynayaan tallaabadan ay Wasaaradda Diintu ku diiwaangelinayso Maddarasadaha iyo Dalladaha ay ku midoobeen, iyagoo tilmaamay inay ammaan ahaan, tayo ahaan iyo tiro ahaanba wax badan ku kordhinayo tirokoobkan. Waxaanay Masuuliyiinta iyo Mulkiileyaasha Maddaarista ugu baaqeen inay is-diiwaangeliyaan oo ay jaaniskan ka faa’iidaystaan.

diiwaangelinta madarasadaha burco

“Tani waa mid kale oo farxad ah oo ku soo korodhay wada-shaqayntii wasaaradda Diinta iyo Culimada Maddarasadaha, faa’iidada ay diiwaangelintani qaranka u leedahay waxa innooga warramay agaasimaha guud ee wasaaradda, annaguna waxaannu ku dardaaraynaa inay wada-shaqayntu noqoto mid marba marka ka dambaysa ka sii wanaagsanaata.” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed.

 

Taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer Axmed Aw Cali Shabeel, waxa uu yidhi; “Aad iyo aad baan u soo dhawaynaynaa diiwaangelinta maddarasadaha waa arrin fiican, oo mudan in la soo wada dhaweeyo oo wax badan ka tari doonta dhinacyo badan.”

 

Isu-duwaha wasaaradda diinta iyo awqaafta ee gobolka Togdheer Sheekh Kayse Xaaji Diirye iyo qaar ka tirsan Culimada Mulkiileyaasha iyo Maamulayaasha ka ah Maddarasadaha kala duwan ee gobolka Togdheer ee badi magaalada Burco ka jira, ayaa iyaguna xafladdaas ka hadlay, waxaanay sheegeen inay ku faraxsan yihiin diiwaangelinta Wasaaraddu gobolkoodii ugu gaysay, diyaarna u yihiin inay is-diiwaangeliyaan, si iyagana Wasaaraddu u ogaato, iyaguna u ogaadaan waxa loo qaban karo ama la tari karo, isku-xidhnaan iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaraddana ay sii xoojin doonto diiwaangelintani.

 

Diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah, ayaa Togdheer yahay gobolkii saddexaad ee ay u gudubto, ka dib markii la dhammaystiray gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil. Waa markii ugu horreysay ee tirokoob noocan ah Maddarasadaha lagu sameeyo intii ay Somaliland jirtay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka:-

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories