HomeTog-Wajaale: Waayaha Xiligan, Maamul Xumada Ku Habsatey iyo dhaliilaha ay dadku ka...

Tog-Wajaale: Waayaha Xiligan, Maamul Xumada Ku Habsatey iyo dhaliilaha ay dadku ka jeedinayaan ballan-qaadkii Xukumadda talada haysa – Warbixin, Shiine Cilmi Kaahin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Wajaale, 18 February, 2012 (SLpost) – Magaalada Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya islamarkaana kutaala, bogcad Deegaan ahaan Istiraatijayad Dhul Beereed Deegaan Beeraley ah ku wareegsan, Ganacsigana xudun u ah ayaa wakhtigan xaadirka ah waxa dul hoganaya duruufo is biirsadey oo dhinacyo badan tilmaan ka bixinaya, sida ay uga aradan tahay adeegyda Aasaasiga u ah Bulshada .

Iyadoo markiiba laga dareemayo nidaam xumo iyo qorshe xumo ku xidhiidhsan sida ay halkaasi ugu baahan tahay Maamul dhisan, oo ku xidhan Bulshada ku nool eek ala duduwan islamarkaana, leh aragti fog oo ka midha dhalin karta asturaada waxyaabo badan, oo hada markiiba laga dareemayo qaawanaan aan la yareysan Karin oo daah fureysa dhibaatooyinka ka taagan dayaca Bulshada sida Biyo, La,aanta iyo jid xumada ka jirta gudha Magaalada oo dhaawacyo badani kasoo gaadhaan dadweynaha iyo Gaadiidkaba, iyadoo ay jiraan dakhli aan la yareysan Karin oo kasoo baxa Cashuur maalmeedka D/hoose ee kasoo gala Gudaha Magaalada, Cashuur Sanadeedka laga qaado meheradaha kala duduwan ee halkaa ka furan taas, oo ay dheer tahay Macaashatal macaashka Wasaarada Maaliyada iyo Cashuurka Kastamka ka furan ee khudaarta iyo badeecadaha ka yimaada dhinaca Itoobiya lagu Cashuuro, iyo Waliba Cashuurta Xoolaha nool ee Seylada weyn ee Kutaala Wajaale.

blankHadaba marka aan guda galo nuxurka Warbixin an ka diyaariyay kadib markii aan Maalintii khamistii Todobaadkii hore ku gaadhay Safar Magaaladaasi islamarkaana, aan indhaheyga kusoo arkey Mushkiladaha dhabta ee kajirta oo cabashada ugu badan ee dadweynuhu ku aadan tahay sida ay ugu hungoobeen isabadelkii ay filayeen in ay dhaami doonto, Maamulkii Xukuumadii hore haseyeeshee, ay kuu sheegayaan dadweynuhu in ay boqolkiiba boqol Maamuladii hore ee Xukuumadii Madexweyne Rayaale, uga lexejeclo badnaayeen ka maanta jooga jooga iyagoo dhinaca kalena cuskadey in ay rajo badan ka qabeen dadweynaha kunool Tog-Wajaale xiligii Xukuumadii hore dedaalo uu u waday Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), laakiin aanay marnaba meesha soo dhigan waxay kala kulmeen Maamulka Xukuumada Siilaanyo usoo magacaabay Wajaale kaas oo aan kala jecleyn,dhaliil loo jeediyo kalmad la yidhaado oo talo ah iyo hadal kale midna balse, markii hore laga filayay in uu noqon doono Maamul Daacad ah oo u adeega Bulshada waxayna arintani keentay niyad jab xoog ah oo kuyimid Shacbiga kala duduwan ee ku nool  Wajaale oo wakhtigan xaadirka ah quus ka jooga guud ahaanba balanqaadyadii Xukuumada Siilaanyo iyo Maamulka ka dhisan halkaasi labadaba.

blank“Runtii Xukuumada Siilaanyo markii ay dalka qabsatey waxaanu ka filaynay Maamul waaqiciga ku dhisan oo ka fayow Musuq, Waxaqabadna la yimaada laakiin waxanu kala kulanay in naloo keeno Maamulo ka liita oo aan cidna dhageysan kuwii Xukuumadii hore, Cashuuraha markii u horeysay iyo tii u dambeysay nalaga ururiyay wax badan ayay dabooli lahaayeen waxa lagu fushadaa dano gaar ah, Somalilandta kale ayaanu ka maqalnaa Xirsibaa sidaa yeelay iyo awood badan sheegtey mar mar waxaanu is nidhaa malaha kaa la sheegayo ayaa kan soo dirtey sida aanu ukala jecleyn dhibaatada jirta iyo sida uu isku adkaynayo markaanu aragno” Sidaa waxa yidhi Maxamed    Aadan Yuusuf oo kamid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalada Wajaale.

Waxa kale oo ay ii sheegeen qaar kamid ah dadweynaha Wajaale in kooxo dhalinyar ah oo iskood isku abaabulay islamarkaana, ka shaqeeyay si tabaruc ah gudaha Magaalada in uu dagaal la galay ninka Gudoomiyaha Wajaale , taas oo aan isku dayay in aan Wax ka Weydiiyo Gudoomiyaha Wajaale Xaashi Muxumed laakiin, aanay ii suurta galin kadib markii aan waayay telefoonkana iga qaban waayey, waxaana arimahaa markhaati u ah dhibaatooyinka la xalin karo ee ugu fudud sida Xashiishka oo tuulan Gudaha iyo daafaha Magaalada iyo Dhibaatooyinka Eydu ku hayso Magaalada oo aan cidi talaabo ka qaaddin.

blankMagaalada Tog-wajaale oo xiligan xudun u ah xidhiidhka Ganacasiga  labad dal ee Itoobiya iyo Somaliland waxay hore u aheyd sida taariikhdeeda ku xusan magaalo qadiim ah oo seeskeeda dhidibka loo taagey sanadkii 1952kii ,iyadoo sanadihii lixdamaadkiina aheyd Magaalo camiran oo can ka ah dalkii Soomaaliya ,waxey sida laga warqabo hore u laheyd afar magic oo kala ahaa Tog-Wajaale oo ay ku can baxdey garoon,laanta curdinka iyo sabayar waxanay burburtey Tog-Wajaale tiraba afar jeer oo ay burburiyeen dagaaladii u Dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya oo ay ugu horeysey sanadkii 1964kii waxyaabihii ay caanka ku aheydna waxa kamid ahaa ceel dowliskii talyaanigu dhisey iyo arimo kale oo badan.

Shiine Cilmi Kaahin

Hargeisa

sirshiine@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories