HomeTOG-WAJAALE: Taliyaha Guud ee Laanta Socdaalka Oo Xadhig ka-jaris ku sameeyey Dhismayaal...

TOG-WAJAALE: Taliyaha Guud ee Laanta Socdaalka Oo Xadhig ka-jaris ku sameeyey Dhismayaal Cusub Oo Loo Hirgeliyey Xarunta Socdaalka ee gobolka Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tog-Wajaale (SLpost)- Taliyaha Guud ee Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Yuusuf (Ina Camabaro), ayaa maanta Xadhiga kajarey Dhismayaal Cusub oo mid kamid ah Dib habeyn lagu Sameeyay Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley gaar ahaa Xafiiskooda Tog-Wajaale oo fadhigooda ugu Weyni yahey.

Dhismayaashan oo ay Fulisey Hay,ada SIA islamarkaana ay maalgalisey Dowlada Ingiriisku gaar ahaan Xafiiska ugaarka ah Commenwealthka Office, waxa taliyaha ku wehelinayey Xadhig ka jaristooda Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi.

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan oo aanu ka warraysannay wax-qabadka u soo kordhay, ayaa waxa kamid ahaa hadaladiisii, “Waxa saaka oo ay bishu tahey lix xadhiga laga jarey dhismayaal Cusub iyo mid dib uhabayn lagu sameeyay oo labaduba kuyaala Baraha kaantaroolada Tog-Wajaale run ahaantii aadbaanu ugu faraxsanahay in aanu helno dhismayaal cusub oo qalabeysan oo aanu ku shaqeyno waxaananau u mahad celinaynaa dhamaan Masuuliyiinta kasoo Qeyb gashey Hay,adaha  dhismahan Hirgaliyay, Mamulka sare ee Laanta Socdaalka Somaliland, iyo Maamulka heer Goboll iyo Degmo ee Tog-Wajaale iyo Gabiley,” ayuu yidhi Gaashaanle Cabdirashiid.

taliyahaIsaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Waxaanan ka waramayaa duruufihii adkaa ee markii hore aanu ugu soo dhabar adeygnay Xarumaha Socdaalka Tog-Wajaale iyo maanta oo ay noo dhameys tiran yihiin Qalabkii oo dhan oo aan sheyna ka maqqneyn gabagabadii waxaan sigaar ah ugu mahad celinayaa Hay,ada SIA oo dhismahan noo hirgalisey, waxa kale oo aan u mahad celinayaa Haya,adaha kale ee nagala qeyb qaata dhismaha Laanta Socdaalka Togwajaale fadhiga Gobolka Gabiley,”ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley.

Munaasibadda Xadhig-ka-jarista dhismayaasha cusub ee Loo hirgeliyey laanta socdaalka Somaliland, waxa hadalo kooban ka jeediyay Taliyaha Guud ee Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Yuusuf, Gudfoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi iyo Maamulka Degmada Tog-Wajaae iyo masuuliyin kale.

Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ee Xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sanadba sanadka ka dambeeya dib u habeyn lagu sameeyaa iyadoo hadda la gaadhsiiyay heer Caalami, taas oo u sahashay inay ka hortagaan isla markaana ay gacanta ku dhigaan dadka sharci-darrada ku soo galaya ama kaga baxaya dalka.

SOMALILANDPOST.NET/Tog-wajaale

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories