HomeTog Wajaale: Isticmaalka Lacagta Shilinka Somaliland Oo Waajib Laga Dhigay

Tog Wajaale: Isticmaalka Lacagta Shilinka Somaliland Oo Waajib Laga Dhigay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wajaale (SLpost) – Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa bilaabay dedaalo lagu fidinayo Isticmaalka Shilinka Somaliland oo udub-dhexaad u ah Koboca Dhaqaalaha Dalka.

Munaasibad madaxda Baanka dhexe ee Somaliland Maanta ku qabteen Magaalo-ganacsiyeedka Tog-wajaale ayaa lagu soo bandhigay qorshaha lagu fidinayo isticmaalka Shilinka Somaliland, haddii ay tahay Ganacsatada iyo Shacabka intiisa kale.

Qorshahan ayaa ah in Ganacstada Wajaale ee wax ku iibin jiray birta Itoobiya ay hadda ka dib wax ku iibiyaan, kuna iibsadaan Shilinka Somaliland, taasi oo qayb ka ah Qorshaha horumarinta dhaqaalaha Dalka iyo fidinta Shilinka Somaliland.

Guddoomiyaha Baanka dhexe Eng. Cali Cabdillaahi oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Lacagta Somaliland waalla isticmaalaa, laakiin waxaanu doonaynaa in lagu isticmaalo dhammaan dhaqdhaqaaqyada Ganacsi ee Wajaale”

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna sheegay “Shacabka iyo Ganacsatada waxaanu ku dhiirigalinaynaa inay isticmaalaan Lacagta Somaliland, waayo? Isticmaalka lacagtu waa Calanka oo kale”ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waar Lacagtiina wax ku iisbsada. Sharcigu hadduu fulayo Qofku waxba kuma iibsadeen lacag aan lacagtiisa ahayn.”

blankAgaasimaha guud ee Baanka dhexe ee JSL Mukhtaar Cabdi Quulle oo halkaa ka hadlay ayaa isaguna yidhi. “Laga soo bilaabo 2017 illaa 2022 waxa Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland uu qiimayn ku sameeyay isticmaalka Shilinka Somaliland ee degmada Wajaale. Markaa War-bixintii ugu horraysay ee ka soo baxday Qiimayntaasi waxay noqotay in Wajaale oo ah degmo Ganacsi, muhiimna u ah Dhaqaalaha Somaliland, ay noqoto degmo Gun iyo baar la isticmaalo Lacagta shilinka Somaliland, Ganacsigeeda iyo dhammaanteedba.”

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiirrada Isgaadhsiinta, Maalgeshiga, Maamulka Gobolka Gabiley, ka degmada Wajaale Ganacsato iyo Guddoomiyaha Sarrifleyaasha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories