HomeTodobaadka Bandhigga Bugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa oo la Iclaamiyey wakhti uu...

Todobaadka Bandhigga Bugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa oo la Iclaamiyey wakhti uu bilaabmayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ururka Red Sea Cultural Foundation ayaa iclaamiyay wakhtiga uu furmayo bandhig sanadeedka 5-aad ee Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa.

Bandhigga Buugaagta Hargeysa ee Caamiga ah ee sannadkan oo hal ku-dhiggiisu yahay ‘Hillaadinta Mustaqbalka’ oo soconaya muddo todoba  maalmood ah, ayaa loo asteeyey inuu ka furmo Guriga Shaqaalaha ee Hargeysa maalinta a Jimcaha ee  13-ka July.

Warsaxaafadeed lagu shaaciyey bilowga bandhigga Buuggaagta iyo shakhsiyaad magac weyn ku leh bahda Qorayaasha Soomaalida iyo Caalamka, oo ururku magaalada Hargeysa ka soo saaray, ayaa u dhignaa sidan:

blank“Ururka REDSEA CULTURAL FOUNDATION, taageerayaasha iyo iyo mutadawiiciinta kala gedisan ee ku hawlan qabashada Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa, waxay dadweyanaha deeggan Caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ugu bushaaraynayaan inuu furmayo, Jimcaha, 13 July 2012, bandhig sanadeedkii 5aad ee Bandhigga Buugaagta ee Caalmiga ah ee Hargeysa.

Bandhiggu wuxu soconon doonaa muddo toddobaad ah, wuxuna ka furmayaa guriga shaqaalaha badhtamaha caasimadda.

 Sanad kasta Bandhigga Bugaagta Caalmiga ee Hargeysa wuxuu qaataa hal ku dheg ka jawaabaya babac-dhigyada Somaliland horyaalla, iyadoo hal-ku-dhegyadii Babdhigyadii hore ay ka mid ahaayeen, xusuus wadreedka shacabka Somalailand wadaago, Waa maxay wadaniyadda iyo muwaadinnimadu, Faafreebka iyo saamaynta uu ku leeyahay is-cabirka xorta ah.

Hal-ku-dheg sanadkan ee Bandhigga Buugaagta Caalamiga ahi waa ‘Hillaadinta Mustaqbalka’ oo loola jeedo in la naawilo, la odoroso, bulshada kala duwana lagu baraarujiyo jihooyinka uu qaadi karo geedi socodka ummadeed ee Somaliland mustaqbalka dhow iyo kan fogiba.

Bandhigga Buugaata Caalamiga ee Hargeysa (BBCH), waxa uu fursad siin doonaa in hal abuurayaashu ay wax ka yidhaahdaan hillaadinta mustaqbalka bulshadooda. Qoreyaasha, gabayaaga, culimada, iyo saxafiyiintu, iyo aqoonyahanka kale waxay ka qaybgalyaasha la wadaagi doonaan halabuurkooda kaasoo isugu jira qoraalo,kala duwan, farshaxan, miyuusig, soo bandhigid masrax iyo qalaaba-gedis iyadoo ay madashu cid walba fursad u siinayso dodo-wadaag iyo aragti isweydaarsi baladdhan.

Waxay ka qaybgaalyaaashu, fursad u helyaaan inay la falgalaan, lana kulmaan, aqoonyahan magac weyn ku leh adduunka iyi Somalilandba, waxna ka weydiiyaan curisyadoooda, iyagoo si gaar ah diiradda u saaraya mawduucan isaga ah ee Hillaadinta Mustaqabalka.

Waxa sanadka bandhigga daadihinayaa akhyaar isaga imanaysaa dalka gudihiisa iyo debddiisa, akhyaar isugu jirta Somali iyo ajaanin isaga kala imanaya daafaha adduunka.. waxa martidda sharafta badan ee bandhigga bugaqagta xoog uga dhex muuqanaya ka mid ah: Maxamed Ibraahim Warsame “Hadrawi”, Nadifa Mahamed, Said Salah, Mary Harper, Axmed Shiikh Jama, Jama Musse Jama, Laura hammond, Michael Walls, Maxamuud Sheekh Dalmar, Mohamed Yasin “Olad”, Helen Conford, Siciid Jama Xuseen, Georgi Kaptchits, Iara Lee, Maxamed Siciid Gees, Muuse Cali Faruur, Xasan Ganey, Xasan Qawdan, Shay Mire Dacar, Sahra Ilays, Saleeban Guleed, Shukri Xaaji Bandare, Cabdalle Xaaji, Axmed Ismaaciil Xudeydi, Faysal Cumar Mushteeg, Aamina Milgo, Saad Ali Shire, Xuseen Cabdillaahi Bulxan, Cabdiraxmaan Yusuf Ducaale “Boobe”, Cabdiraxman Yuusuf Cartan, Axmed Ibrahim Cawaale, Xasan abdi Madar, Evan Christopher, Adam Beleloo iyop qaar kale.

Dadweynaha Ku dhaqan Caasimadda waxay Bandhigga Buugaagta ee Caalamiga sanadkan kula kulmi doonaan curisyo iyo buugag markii ugu horreysey la soo bandhigayo, buugaagtaas oo tiradooduna badan tahay, tayadooduna aad u sarrayso.

 Bandhigga Buugaagtu wuxu si gaar ah fursad ugu yahay dhalinyarada ku hamiyeysa hal abuurka iyo curinta buugaagta iyo maansada, waayo wax goobta ku sugan ciddii ay talo weydiin lahaayeen, waxa madsha ku sugan ciddii ay ku dayan lahaayeen

Ballanteennu waa Bandhigga Buugaagta Caalamiga ee Hargeysa maalinta Jimacaha 9 subaxnimo, 13 July, Guriga Shaqaalahan ee badhtamaha hargeysa.

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh: 4653661 ama 4099088. Email: hibf@hargeysabookfair.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories