HomeTODOBA TALAABO OO LAGU GAADHO GUUSHA: Buug Lagu soo Bandhigay Hargeysa

TODOBA TALAABO OO LAGU GAADHO GUUSHA: Buug Lagu soo Bandhigay Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)Munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigay xiiso badan oo uu qoray Nin Dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo Dr. Cabdisalaan Sulub Axmed, ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo ee Magaalada Hargeysa.

Buuggan la soo bandhigay oo ku qoran Luuqadda Ingiriisiga, magaciisana la yidhaahdo todobada talaabo ee  lagu gaadho guusha ( 7 steps to achieve Happiness), isla markaana qormooyinka ku duuggani u badanyihiin kuwo la xidhiidha  dhanka Caafimaadka, hab-dhaqanka Bulshada iyo Madadaallooyin, ayaa waxa bandhigiisaka qayb-galay Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa, Agaasimaha Guud ee Wasaarada howlaha guud, masuuliyiin ka socday Xisbiga Waddani, Ganacsato, Aqoonyahano ka tirsan Jaamacadaha dalka, Arday iyo marti sharaf kale.

Qoraaga Buuggan talaabooyinka  furaha guusha Dr. Cabdisalaan Sulub Axmed, oo xafladaas hadal dheer ka jeediyey, ayaa sharaxaad ka bixiyey qaybaha uu ka kooban yahay buuggani iyo nuxurka Sheekooyin aad u xiiso badan oo ku jira tuducyadiisa.

Sheekooyinka Qoraagu madasha ka sharaxay, kuna jira Buugga, dadkuna ay aadka ula dhaceen  waxa kamid ah kuwo uu ka qoray dhibaatooyinka cunista qaadku leedahay iyo saameynta ay aadamiga ku yeeshaan guul-darooyinku. Waxa uu sheegay in muddadii uu buuggan qorayey uu sameeyey daraasado badan oo wakhti ku qaatay. Waxa kale oo uuu xusay inuu qisooyinka qaarkood ka soo dheegtay qorayaal waaweyn oo dunida caan ka ah.

“Buuggan qofka si fiican u dhuuxa waxyaabaha ku qoran wuxuu u anfacayaa si wanaagsan, waxaana ku jira sheekooyin laga baran karo nolosha rasmiga ah. “talaabooyinka lagu gaadhi karo guula waxa kamida Kalsoonida.”  – “qofku inuu naftiisa ku kalsoonaado” ayuu yidhi Dr. Cabdisalaan Sulub Axmed.

Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo madax ka ah mid kamida Jaamacadaha fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa, horena u ahaan jiray Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, oo halkaa hadal ka jeediyey , ayaa  ku dheeraaday muhiimadda qorista buuggaagtu u leedahay bulshada, waxaanu sheegay in barashada Cilmigu ay tahay marxalad la rabo inuu qofku dadka uga tago dhaxal aqooneed oo Kaydsan.

Dr. Bulxan ayaa intaas ku daray inaanay bulshada Soomaalidu faham wanaagsan ka haysan qiimaha qorista hindiseyaasha bulshada anfacaya, isagoo dhinaca kalena tilmaamo ka bixiyey habka loo qoro buuggaagta. “Buug marka la qorayo waa inaad adiga iyo naftaadu gaar isula baxaan, dabaddeedna keligaa aad fikirto” ayuu yidhi Dr. Bulxan.

Dr. Bulxan ayaa sidoo kale dhaliilay tayada aqoonta lagu barto Jaamacadaha dalka iyo heerka ay Dadka reer Somaliland ka taaganyihiin ku hadalka luuqada Ingiriisiga, waxaanu bogaadiyey qoraaga Buuggan oo uu ku ammaanay dedaalka labaad ee uu geliyey buuggan. “Buuggan wuxuu ku qoranyahay luuqada Ingiriisiga. In buug ku qoran luuqaddaas la qoraa waxay ina tusaysaa waxyaabaha cajiibka ah ee uu dheeryahay buuggaagtii hore loo qoray, waxaana gashay howl balaadhan sida inooga muuqata.” Ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dadkeenu adeegsiga Luuqada Ingiriisiga aadbay ugu liitaan, waxaynu nahay dadka ugu hooseeya ku hadalka Luuqadaas, waana ayaan-darro, cid waliba way inagaga fiicantahay maanta, waana luuqada qudha ee caalamka meeshaad tagtaba aad dadka isku fahmaysaan”, ayuu hadalkiisa raaciyey, waxaanu ugu dambeyn si mug leh hambalyo ugu diray Qoraaga Buuggan soo saaray oo uu ku tilmaamay mid noociisu dhif iyo naadir ku yahay aqoonyhanka Somaliland.

Yacquub Cabdilaahi Haybe oo kamida masuuliyiinta Xisbiga Waddani, oo munaasibada isna hadal kooban ka jeediyey, ayaa tilmaamay inay xisbi ahaan dhiiri-gelinayaan dhalinyarada aqoonyahanka ah ee dedaalaya, isla markaana Barmaamujka xisbigooda ay ku jiraan qorsheyaal lagu dhisayo Maktabaddo lagu kaydiyo wax-soo-saarka maskaxeed ee da’yarta iyo aqoonyahanka, si jiilasha soo socdaa mustaqbalka uga faa’idaystaan, isla markaana dalku u yeesho raad-raac taariikheed, loona dhiiri-geliyo  qoreyaasha bulshada.

Agaasimaha Guud ee wasaarada howlaha guud, guriyeynta iyo gaadiidka Mukhtar Maxamed Cali oo munaasibada soo gabagabeeyey, ayaa shaaca ka qaaday inay dawladdu dhiiri-gelinayso dhalinyarada mufakiriinta ah ee wax bartay, waxaanu intaa ku daray inay xukuumaddu dhisayso Maktabadda Qaranka, taasoo door weyn ka qaadan doonta kobcinta akhriska iyo qoraalka.

Agaasime Mukhtaar ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay in la dhiiri-geliyo qoreyaasha si  aanay uga niyad-jabin curinta maskaxeed ee ay qalinka u qaateen;  “wax kaleba marka laga tago buuggan waxa laga faa’idaysan karaa waa luuqaada uu ku qoranyahay , waxaanan dhakhtarka ku dhiiri-gelinayaa inaanu halkaa kaga hadhine ee uu soo saaro buuggaag kale oo dadku ka faa’idaysto”ayuu yidhi Agaasime Mukhtar.

Gabagabadii waxa qoraa Dr. Cabdisalaan  lagu waydiiyey su’aallo kala duwan oo la xidhiidha macluumaadka ku duugan buugga, oo ay wax ka  waydiiyeen ka qayb-galeyaashii Munaasibaddu, kuwaasoo uu si hufan uga jawaabay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories