HomeTodoba ka mid ah Maayarrada magaalooyinka Dalka oo Tabobar ku aaddan Hawlahooda...

Todoba ka mid ah Maayarrada magaalooyinka Dalka oo Tabobar ku aaddan Hawlahooda looga Furay Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maayarada Todoba Magaalo oo ka tirsan Dalka ayaa Maanta Tababar ku saabsan hanaanka shaqo ee ay u hawl galaan Waxaa looga furay Xarunta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada ee Caasimada Hargaysa .

Tababarkan oo Ujeedadiisu Salka ku haysay Sidii Maayarada Cusub ee Magaalooyinka Boorama, Gebilay, Hargaysa, Berbera, Sheekh, Burco iyo Oodweyne isla markaana ku soo baxay doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Cusub loo  tusi lahaa hanaanka Shaqo ee ay u hawl galaan waxaa fulinaya Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland C.samad Cumar  Maal,oo furitaankii tababarkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Ujeedada kulankani uu la xidhiidho tartansiin lagu samaynayo degmooyinka ka qayb qaadanaya deeqaha ay inoo fidinayaan Wadamada Reer Galbeedku,waxaanu intaas ku daray in lagu kala qiimaynayo degmooyinka sida ay u dabaqaan Mashruuca horumarinta Degmooyinka isla markaana loo kala sad burinayo sida ay u kala waxqabad fiican yihiin.

Agaasimaha Machadka Tababarada Shaqaalaha Dawlada Maxamed Mixile Boqore oo Madashii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhamaanba tababarada laga bixinayo Mashruuca JPLG uu Machadka  Tababarka Shaqaalaha Dawladu bixinayo,Waxa uu Agaasimuhu Xusay in Machadkooda oo Kaashanaya Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland  uu qaadi doono Sahan ay ku xidhnaan doonto Mucaawinada Caalamiga ah ee la siin doono Degmooyinka ka faa’iidaysta Mashruucan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Agaasimaha Horumarinta Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Maxamed iyo Sarkaal ka socday hay’adaha deeqahan bixinaya oo lagu magacaabo Aadan Xasan Mataan.

Somalilandpost/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories