HomeToddobada Xubnood ee Komishanka Cusub oo loo gudbiyey G/Wakiillada iyo Xisbiga Waddani...

Toddobada Xubnood ee Komishanka Cusub oo loo gudbiyey G/Wakiillada iyo Xisbiga Waddani oo Hakiyey Xubintii uu soo magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xubnaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay soo loo gudbiyey Golaha Wakiillada si ay uga gutaan waajibaadkooda Qaran oo u kala baxaya hubinta shuruucda sharci ee ku waajibay ka mid noqoshada xubnaha ee Guddiga Doorashooyinka iyo Ansixintooda.

blankGuddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax  oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inay soo gaadheen magacyada todobada xubnood ee loo soo magacaabay komishanka cusub, gole ahaana ay waajibkooda ka gudanayaan maalmaha soo socda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay Guddi golahooda ka tirsan baadhitaan ku samayn doonto xubnaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka si loo xaqiijiyo inay xubnaha cusub buuxiyaan shuruudaha ku waajibay, kuwaas oo uu ka mid tahay inay ka tirsanayn ama ku jirin dhinacyada siyaasadda.

“Golaha ayay tahay waajibkooda inay ka gutaan, goluhuna waa Gole Qaran, markaa qofkii shuruudda buuxin waayo, waa la eegayaa,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Baashe Faarax.

Haseyeeshee, Guddoomiye Baashe waxa uu sheegay inay soo gaadhay waraaq uga timi Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, taas oo xisbigu ku dalbanayo in la hakiyo Xubintii ay u soo magacaabeen ee u metelayey Guddiga Doorashooyinka, taas oo uu guddoomiyuhu ku micneeyey inay la xidhiidho arrimo cabasho.

“Xisbiga Waddani baa waraaq keenay ay ku hakinayo xubinimadii xubintiisii uu cabashona ka muujiyey, markaa waraaqdaasi saaka way na soo gaadhay,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Todobada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka, waxa si sharcigu dhigayo soo kala xula Madaxweynaha oo saddex xubnood soo magacaaba, Laba xubnood oo Xisbiyada mucaaradku soo xulaan iyo Laba xubnood oo Golaha Guurtidu soo magacaabo.

Saddexda Xubnood ee Madaxweynuhu soo magacaabay, ayaa kala ah Cabdirashiid Maxamed Riyo-raac oo xil-wasiirnimo hore uga soo qabtay xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka tirsan Guddiga Doorashada ee hadda xilka sii haya iyo Mustafe Maxamed Daahir oo ah Aqoonyahan da’yar oo hawlo shaqo ka soo qabtay Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Xubinta Xisbiga UCID soo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Xasan Yuusuf Ducaale halka Xisbiga Waddani uu soo magacaabay Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar oo ah xubinta uu xisbigu dalbaday in la hakiyo kahor inta aanay golaha Wakiilladu waajibaadkooda ka gudan, lama oga xaqiiqada dhabta ee ka dambaysa nooca cabashada xisbiga Waddani ku codsaday hakinta xubinta xilli uu madaxweynuhu u soo gudbiyey Golaha Wakiillada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ayaa isaguna soo magacaabay laba xubnood oo lagu kala magacaabo Maxamed Daahir Jaamac iyo Cabdiramaan Ismaaciil Dixood.

 

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories