HomeToddoba Shay Oo Haddii Aad Caadaysato Samayntooda Kor U Qaadaya Awooddaada Maskaxeed

Toddoba Shay Oo Haddii Aad Caadaysato Samayntooda Kor U Qaadaya Awooddaada Maskaxeed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- In qofku uu dhiso quwaddiisa maskaxeed iyo garashadiisu waxa ay fure u noqon kartaa in uu ka guulaysto caqadaha iyo taakooyinka nolosha sidaas waxaa lagu sheegtay Amu Morin oo ah dhakhtar uku xeeldheer cilminafsigu mar ay dhowaan u warrantay shabakadda Moto times. Iyada oo tirisay dabeecado iyo tilmaamo ay sheegtay in inta badan laga dhoy la’ yahay oo cidda maalin kasta caadaysataa ay awoodayso in ay dhisto maskaxdeeda. Haddaba qodobbadaas oo uu GEEESKA AFRIKA afsoomaali u rogay ayaa waxaa ka mid ah toddoba caado oo ay Morin sheegtay in ay si fiican u caawiyaan awoodda maskaxeed ee qofka, una sahlaan in uu ka tallaabo caqadabaha iyo duruufaha taban eek a hor imanaya.

1. Naftaada u mahadnaq: Wax kasta oo kaa farxiya ka mahadnaq, xitaa haddii uu aad u yar yahay, waayo waxa uu kugu beerayaa shucuur ah in aad naftaada uga naxariisato hawsha badan ee ay maalintaas gashay, waxa aanay kugu caawinaysaa in aad hore u sii socot.

2. Noloshu raaxo iyo xaglo laabni maleh: Naftaada ma’ horumarin kartid, kartidaada maskaxeedna ma dhisi kartid, haddii aanad diyaar u ahayn in aad ka tanaasusho qaybo ka mid ah raaxda nafta iyo kool-koolinta ay u baahan tahay. Hawl kasta la sugin xilli aad nafis tahay oo dareenkaagu xasiloon yahay. Nafta ku tababar in ay khudbad jeediso adiga oo aad u cadhaysan, ama jimicsi iyo ciyaar ku jira oo daallan. Waxaa kugu beermi in aad kalsooni ku qabto awooddaada iyo kartida kugu jirta maskax ahaan iyo jidh ahaanba, oo aad ku dhiirrato hawl iyo arrin aad marka hore u arkaysay in aanay dhici arin.

3. Naftaada si waqtii ay keli isku tahay: Si aad u wanaajiso awooddaada maskaxeed, ku dadaal in naftaada aad la gaar noqoto oo aad maalin kasta ugu yaraan 10 daqiiqo xasiliso adiga oo ka fogeynaya jadwalka ballamaha ah, shaqada joogtada ah, isticmaalka aaladaha casriga ah (Talefannada, kombiyuutarrada iwm). Waxa ay xeeldheerayaashu caddeeyeen in qofka oo fadhiista kelidii kadibna u fiirsada wax isaga oo aamusan ay ka caawiso in awooddiisa maskaxeed iyo garashadiisu ay koraan oo horumaraan.

4. Naftaada la dood: In naftaada aad gaar ula sheekaysato oo gartaada iyo dooddaada aad gaar u akhrisataa waxa ay door muhiim ah ka qaadataa hab-dhaqankaaga iyo sida aad arrimaha u eegayso ama u qiimaynayso. Naftaada oo aad la sheekaysataa waxa ay qofka ku beertaa kalsooni dheeraad ah, in adiga iyo nafta aad ka dhigto laba dhinac oo arrimaha muhiimka ah ka doodayaana waxa ay kalsooni kuu siinaysaa in marka aad dood iyo sheeko cid kale kula jirto aad kalsooni iyo hubsiimo ku gasho.

5. Xaqiijisi quwaddaada shakhsiga ah:

In aad xidhato shaadhka dhibbanaha ama aad isla meeqaan dhigto ruux dhibbnaha ahi waxa ay dishaa awoodda maskaxeed ee qofka. Tusaale ahaan halkii aad ka odhan lahayd, “Maamulahayga shaqadu waxa uu iigu kallifaa in aan saacado dambe oo habeenkii ah shaqeeyo” waxaa ka habboon in aad tidhaahdo, “In habeenkii shaqada ku soo jeedi waayo ciqaab shaqo ayaan ku mutaysanayaa, laakiin de aniga ayuun baa go’aanka u dambeeya leh oo haddii aan rabo waa aan iskaga tegi karaaba”

Khubarada cilminafsigu waxa ay sheegayaan in qofka oo marka uu culays tirsanayo ku calaacala in uu dhibbane keliya yahay oo uu ku qasban yahay inuu sidaa yeelo, waxaa ka fiican in uu sheego xaqiiqada kale ee ah in dhibaato lagu hayo laakiin haddii uu rabo in uu ka baxana uu ka bixi karo. Arrintani waxa ay nafta ku beeraysaa waxoogaa kalsooni ah iyo in ay shaqada laga rabo si niyad ah u gudato, waxa aanay xoojinaysaa awoodda maskaxeed iyo niyad samaanta qofka.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories