HomeToddoba Arrimood Oo La Xidhiidha Taariikhda Faraacinadii Masar Iyo Ahraamtii Ay Dhisan...

Toddoba Arrimood Oo La Xidhiidha Taariikhda Faraacinadii Masar Iyo Ahraamtii Ay Dhisan Jireen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)- Xadaaradaha tirada badan ee dunidu inta la og yahay soo martay waa xadaaraddii Faraacinidii hore oo saldhiggeedu ahaa dalka Masar. Xadaaraddan oo dunida oo dhan soo jiidatay waxa ay jirtay qarniyo badna, muddadaasna mar keliya ma’ay tirtirmin ama magaceedu uu hoos u dhicin.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo turjumay afka Carabigu waxa ay ka warramaysaa waxyaabo qariibka ku ah maskaxda aadamiga ee hadda, waxaana ka mid ah:

  1. boqorkii Faraaciinada ee magaciisu ahaa Pepi II Neferkare:  waxa uu aad u nici jiray in duqsigu uu mar uu jiidhkiisa taabto, sidaa awgeed waxa uu caado u lahaa in marka uu meel u baxayo uu sii kaxaysto koox addoomihiisa tirada badan ka mid ah oo feedho qaawan dhammaantood, addoomahan waxaa qaarka sare loogu dhabooqi jiray malab xaad dhaaf ah. haddaba ujeedadu maxaa ay ahayd?

Bqor Pipi waxa uu doonayey in duqsiga isaga u iman lahaa uu ku maydho raggan feedhaha qaawan ee malabka isa soo mariyey..

  1. Laxooxda qudhuntay waa dawo: Dawooyinka cudurka iyo caabuqa dila ee antibiotics muddo aan aad u sii fogeyn ayaa dunida lagu soo kordhiyey, laakiin waxaa taariikhda ku cad in Masaaridii hore ay lahaayeen aqoon caafimaad oo gaadhsiisnayd heer ay samaysteen dawo dabiic ah oo u shaqaynaysa sida Antibiotic.

Laxooxdu marka ay xumaato waxaa ku dasha maaddada Penicillium oo ah maaddo muhiim u ah samaynta dawawada Penicillin oo ka mid ah kuwa ugu caansan dawooyinka antibiotics. Sidaa awgeed Faraacinadii waxa ay isku dabiibi jireen laxooxda xumaata ama qudhunta.

  1. Buuraha Ahraamta ta ugu weyn oo lagu magacaabo Khufuu waxa uu dhismaheedu socday 23 sano. In kasta oo hore loo aaminsanaa in dhismaha Haramkan ay ka qayb qaateen 100 kun oo shaqaale addoona ah, laakiin sida hadda soo baxaysa waxaa ka qayb qaatay 10 kun oo badankoodu ahaa xirfadlayaal u dhashay dalka Masar oo weliba daryeel dheeraad ah iyo xannaanayn fiican ka helay Fircoonkii Haramkan loo dhisayey oo ahaa Khufuu, illaa ay gaadheen heer lagu naanayso boqorka saaxiibbadii.
  2. Taariikha Faraaciintii ka warama qaarkood waxa ay sheegayaan in boqorradii Faraacinadu marka ay dhintaan inta aan la dhigin ahraamta marka hore la marin jiray dhir ka ilaaliso qudhunka, marka dhirtaa la mariyo kadibna laga saari jiray xubno ay ka mid yihiin, maskaxda, midhicirada iwm, kadibna inta weel loogu talogalay lagu rido, meel la dhigi jiray, laakiin wadnaha lagama saari jirin waayo waxa ay masaaridii hore aaminsanayd in wadnuhu uu yahay halka ay ruuxdu deggen tahay.
  3. Faraacinadii hore carruurtoodu dhar ma’ay xidhan jirin illaa ay gaadhaan da’da 14 sano iyo wixii ka weyn.
  4. Fircoon waxaa mamnuuc ka ahaa in uu timihiisa muujiyo, sidaa awgeed waxaa mar kasta madaxa u saarnaan jiray taaj ama waxaa ugu duubnaan jiray go’.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories