HomeTOBAN HABEEN NOOLOW MIYAA?! - W/Q: Axmed- nasri daahir xuseen

TOBAN HABEEN NOOLOW MIYAA?! – W/Q: Axmed- nasri daahir xuseen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jiritaanka dadka ee qarni ka qarni wax uu ilaahey sabab uga dhigay taranka kaaso ku imanaya marka ay nolol qoysnimo wadaagan lab qof ooo kala ah ragga iyo dumar ee ay isguursadaan.

Haddab fahanka ahmiyada guurku waxay aasas utahay helitaanka nolol farxadleh.

Qofwalba ragga iyo dumar wax uu jecel yahay lamaane wanaagsan sido kale mid kasta wax uu xiiseya astaamo gaar ah inuu yeesho qofka uu guursaneyaa.

Badana gaar ahaan raggu waxay jecel yihiin gabadh qurux badan oo kaso jeeda reer la yaqaan halka dumarku jecel yihiin nin qani ah.

Taasina waxay hilmaamsiisey xadiiski rasuulka ee ahaa(N.N.K.H) “AFAR KU GUURSAD DUMARKA, DIINTA ,QURUXDA, NASABKA IYO MAAL AADNA UDOOR BIDA DIINTA”

Sido kale wax rasuulku yidhi (N.N.K.H) “uguuriya haddu idiin yimaado nin aadku qanacdaan diintisa iyo dhaqankiisa” haddab abuurka dadka ayey ka mid tahay inuu qofku jeclaado qurux, maal iyo nasab wax se ka haboon sida rasulkenu inoo sheegay in la door bido diinta iyo dhaqanka qofka maxa yeelay markad guursaneysida waxad dooneysa inad hesho qayba ka mid ah nololsha oo ka maqneyd sida awgeed ka fiirso cidda aad ku haleyneysid noloshada.

Bal ila dheeho qisadan oo ka dhacdey magaalad hargeysa wakhti aan fogayan.

Waxa xafad ka mid ah xaafadah magalad hargeysa oo u dhow meel suuqa ah iyo istaan baabur ka baxdo daganeyd gabadh aad uqurux badan oo la odhan jirey ilwaad da’adeeduna waxay ahayd 17_20 oo ah wakhtiga dumarku ugu quruxda badan yihiin jidh ahaan si gaar ahna EEBE Waxa uu usiiuyey qurux dhameysa ah oo qof walba la ashqaraaro marka uu arko.

May ahayn mid cayilan(buuran) dhuubnina laguma tirineyn, dhoocil gaaaban may ahyn dhararka qaarkina may lahayn, dhabanad godan markey qososho indhaha iyo sunayah dul yaal iyo midabka mascuudedka mawlah siiyey mooye lama masaalikaro,markey dariiqa marayso socsdka dagan iyo sinahey ka laafyoneyso ragga intii damac lihi u haqal taagi jirey.

Ragguna ileen jeebku ka qooqaaye wiil dariskoda daas ku haystey oo la odhan jirey mustafe oo RABBI doonyo ku filan siiyey ay is hayn kari waayey maankisan galiyey yaan lagaag horeyn gabadhan isago iskula showreya kol haddad kafayn kareysid nolosha qoysnimo inanta quruxda leh yeey ku seegin.

Isag oo sugay fursad uu kula hadlo iyo wax uu uga bilaabi lahaa ayey maalin inantii usoo adeeg doonatey daaskisi badanan iyadu may soo adeeg dooni jirin markasu silama filan indha ugu dhuftey kadib sodhoweyn iyo qosol kkkkk…..kk.kk googosa ayuu inanti si kaftan leh ugu qortey namberki mobilka, markey dhameysaey adeegedi way sii sagootidey iyada oo dhoololcadeyneysa dhanka iyo xafadoodina u kacdey, wiilki markey ka tagtey ayuu kolba soo xusuusta dahabdan oo uu iskula xanshashaqaa muuqeda wacan hadalkeeda micinaha lehbab ka daran.ka dib wax uu go’aan sadey ina uu lahadlo, habeen baanu lahadley ileen dhalinyar iyo sheko habeen waa walaale, waxay mudo wada hadlaanba oo habeenba habeen u dhiibeyey mid waliban la dhacasan yahay dhaqanka ka kale ayaa wiilki waxa  uu ku hamiyey inuu dhamaystiro himiladiisi ahayd maruun caw kula lool oo cambaruudkiyo nimcad ALLE siiyye canacntuug.

Wataan hore usoo shegney wilku wax uu lahaa hanti aan ba’ neyn oo uu ku dhisan karo reer isag oo aminsan karaankisa ayuu inantii u sheegay inuu guur diyaar u yahay  iyo inuu dhiso guri lagu nagaado lakiin inantii waxay inanki u sheegtay wax lama filan ku noqdey iyada oo ka dalbatey inuu hadey guurtahay arintu uu usameeyo xaflado dhowr ah una dhigo alaab dibad laga keenay, yaab iyo amakaag ayey wiilki ku noqotey waxaanu hoos iskula showra malah way kaftameysaye sidan umay caqli gaabneyn. Sikastab ha ahaate bishu caadka way ka qaadantey oo gabadha waa kasal sidani. Waxaanu go’an sadey inuu u caqli celiyo oo wax uu ku yidhi walaal ma ogtahay wax aynu dooneyno iyo ahmiyada noloshu waxay tahay? Ayuu u raaciyey xafaldi guri dhisimayso alaabina ubad noqonmeyso e nololwaarta dhidibada ma utaagna kuna darso wax kasta oo aan awoodo oo uu ubaahanyay reerkenu dambina iga raacaeyn waan sameyneya………

Nasri_d09@hotmail.com

University of hargeisa

Hargeisa Somaliland  

WAA BAHDA AKHRISKA HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories