HomeToban Habeen Nolo Miyaa!? - W/Q: Axmed-Nasri Daahir Xuseen – Q.3aad

Toban Habeen Nolo Miyaa!? – W/Q: Axmed-Nasri Daahir Xuseen – Q.3aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Axmed-nasriInkasta oo quruxdu hadaaney diin, dadnimo iyo dabeecad kaabeyn aaney micno laheyn, hadana inantan qofkii jaleecaaba wuu jamanayaa.

Mudo kadib waxa maalin maalmaha ka mid jarmal kasoo dagey wiil layidhaa shaakir oo ay qaraabo yihiin inanta, markii uu soo booqdey xaafada waxa uu arkey inanta aya qaraabada yihiin oo aad uqurux badan, wuxuuna goosatey inuu guursado, wuxuuna usheegay xaafadii waana lagu raacay in loo doono inantaa, ilawaad ayaa loo sheegay laguna yidhi ‘’ogsoonaw shaakir ayaa lagu siinayaa, waxaan lagu yidhi ‘’waad ogtahay jarmalkuu ka yimid, lacagna wuu leeyahay, waana qaraabadii, ee hadal yaan lagaa maqlin’’

Cajib maxayba diidi, markey maqashay jarmalkuu ka yimid ayey moodey in la yidhi janadii ayuu ka yimid, kamaney fikirin waa side dabeecadiisu, diinata’se siduu ku yahay, muxuu se xagaa ka qabtaa, ileyn nolosheeda ayey ku aaminaysaa.

Si kastaba ha ahaatee maalmo yar kadib waxa dhacay meherkoodii, oo aad aduunyo loogu wadhwadhey, farxad iyo qosolna aad xaafadaha uga jirtey, hanbalyadana iyo bogaadintana tiifiiga iyo raadiyaha aad looga dhegeystey.kadib damaashadkii meherka muddo TOBAN MAALMAOOD AH AYUU HOTEL KULA JIREY. Waxayna daremaysaey wanaaga iyo raaxada guurku leeyahay lakiin maalinti kow iyo tobonaad markey soo kaceen subixii ayuu ku yidhi orod aabo igu yeedh,manay filaneyn wax dhici doona waaney uyeedhay, waxooga kadib saddexdoodiba way israacen sidey usocdeen ayuunbu geeyey maxkamad, fajac iyo anfariir ayey qaaaden inanti iyo aabaheed , iyaga oo yaabana ayuu hore galeen maxkamada iyagan yidhi laguna yidhi hore usoo dhaafa, inta ka dib xaakimkii ayaa weydiyey maxaad usocoteen? Shaakir ayaa yidhi ‘’ xaakim waxaan usoconey oo aan doonayey inaan fure inantan, meherkeedii iyo xaqeediiba waan bixinayaa, aabaheedna waa kan’’.

Ilwaad iyo aabaheed wey yaabanyihiin oo maba hadlayaan iyagu, laakiin xaakimkii ayaa ku yidhi maxaad reerka u burburinaysaa, wilkii shaakir ahaa ayaa ugu jawaabay maraka horeba anaa dhisay maaha maantana anaa furaya, ee aduu wixii sharcigaaga uuna igala hadal tan anaa goostee, cajiib xakimkii uma taalo su’aal kale maxaa yeelay nin la diyaar ah xaq iyo xuquuba oo ay leedahay gabadhu lehna iga fur,  waanu ka furay xaakimkii, ilwaad iyo aabaheed oo hadal daaye, haa iyo maya toona laga heyn, ayaa waxoogaa shilimo ah loo dhiibay kana baxay albaabka maxkamada.

Wiilkii  shaakir ahaana ilayn tigidhku wuu u go’naaba oo wuu baxay galinkii danbaba, damqasho iyo xanuu badanaa gabadh toban habeen lagu furay, maxaase ka raacay jarmalkuu ka yimid, lacagbuu leeyahay, waana qaraabada,.

Hadaba talaw lacagi ma nolol baa? Qaraabo ma jacelbaa? Jaramalku ma janaa? Horaana loo yidhi hubsiimo halbaa la siistaa, ilwaadna kamay fiirsan cidey ku  halaynayso aayaheeda, mase laga yaaba iney uga fiicaanaan lahaayeen daaslayaashii ay danta ku nacdey,

Inantii laafyoon jirtey laamiyada magaalada, manta talaabo maqaado, qol bay isku xidhey , qofna lama hadasho, dheeheedii iyo dhalaalkiiba wey weydey, ileyn niyada noloshu ka dagtaa oo laga quruxeystaa, xijaab aan diini u xidhin iyo niqaam ay isku da’dey, quruxdii lagu wiirsan jireyna heer la qariyo ayey gaadhey, qaladkaase yaa galay? Qoomamese ma utaalaa manta? Ma qadarbaa la odhan karaa?

Hadaba inaneey ka fiirso? Kuna dooro diin dabeecad iyo dadnimo, duunyo iyo lacagna iska ilaw, ileyn waa wax daain bixiyo, ogsoonawna toban habeen, toban bilood, toban sano, midna nolo maaha, hadii se alle kuu qorey inaad noolaato qarni raadso, mid aad laqeybsan karto nolosha qarnigaba,

Qabyada hore ka dhawr naftaada

Qoomama danbana haisku hor seedin

Hana hoojin jacaeylka waligaa

Nabsina waa ma dhaxee ha dhaansan

Dantuna waa seetee ogaw

Dadkana laguma nacee ogaw

Dunyad daaimba bixiye ogow

Hadaad hayso iyo hadii kalaba

Imtixaan weeyee ogaw

Duniduna waa dharaaree ogaw

War iyo sheegsheeg baa ka hadhee ogaw.

DHAMMAAD

Nasri_d09@hotmail.com

University Of Hargeisa

Hargeisa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories