HomeToban Askari oo ku dhintay Shil-diyaaradeed ka dhacay Saldhig-Milari oo NATO leedahay

Toban Askari oo ku dhintay Shil-diyaaradeed ka dhacay Saldhig-Milari oo NATO leedahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madrid (SLpost)- Ugu yaraan toban qof ayaa u dhintay, tiro kalena way ku dhaawacantay diyaarad nooca dagaalka ah oo ku burburtay saldhig Milatari oo Ciidamada Gaashaan-buurta NATO ku leedahay dalka Spain, sida ay shaacisay wasaaradda Gaashaan-dhigga ee dalkaasi.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa F-16 ay leeyihiin ciidamada Greek ee ka tirsan Gaashaan-buurta NATO oo cilladi ku timi xilli ay ka duullaysay Madaarka, ayaa dhulka ku soo dhacday waxaanay duqeysay diyaarado kale oo fadhiyey saldhigga Milatari ee Llanos oo ku yaala magaalada Albacete oo Masaafo dhan 260KM dhinaca Koonfur-Bari kaga beegan magaalada Madrid ee caasimadda Spain.

natoSababta shilka ayaa lagu sheegay kaddib markii mid ka mid ah Duuliyayaashu diyaaraddu uu qaatay go’aan la sheegay inuu qaldanaa balse noociisa aan la sheegin xilli ay diyaaraddu ka kacaysay garoonka, sida ay baahiyeen saxaafadda dalkaasi.

Labadii Duuliye ee diyaaraddan waday ayaa ka mid ah dadka ku dhintay shilkan.

Wasaaradda Gaashaan-dhigga Faransiiska, ayaa shaacisay in hal qof oo muwaadiniinteeda ka mid ahi ku dhintay shilkan, halka shan kalena ku dhaawacmeen.

Haseyeeshee, sida uu sheegay Raysalwasaaraha Dalka Spain, Mariano Rajoy, Tobanka Qof ee shilkan ku dhintay ayaa isugu jira Siddeed ka tirsan Askarta Faransiiska iyo laba u dhashay dalka Greek.

natioIn kasta oo aanay beenin isla markaana aanay xaqiijin Wasaaradda Gaashaan-dhigga Faransiiska oo warka raysalwasaaraha Spain wax laga wedyiiyey, haddana warar kale ayaa sheegay in Askarta dhaawacmay intooda badan u dhalatay dalka Talyaaniga, haseyeeshee ilaa immika lama hayo faahfaahin ku saabsan dadka kale ee khasaaruhu ka soo gaadhay shilkan iyo waddamada ay u dhasheen.

Ciidamada NATO ee ku sugan Saldhigga Milatari ee Shilka diyaaradeed ka dhacay, ayaa la sheegay inay u kala dhasheen waddamada Maraykanka, Denmark, Germany, Belgium iyo Britain.

Xoghayaha Guud ee Gaashaan-buurta NATO Jens Stoltenberg oo ka dhacdadan ka hadlay, ayaa yidhi, “Tani waa masiibo saamaynaysa dhammaan isbahaysiga NATO. Waxaan tacsi u dirayaa askarta naftooda ku waayey iyo dalalka ay u dhasheen, waxaanan u rejaynaya inta dhaawaca ah inay si dhakhso ah uga kacaan.”

natooDiyaaraddan ayaa la sheegay inay ka qayb-qaadanaysa dhoola-tus milatari oo aan qayb ka ahayn hawlaha Isbahaysiga NATO, balse ku kooban 10 waddan oo ku heshiiyey inay horumariyaan tabobarrada iyo barnaamijyada horumarineed ee Difaaca Cirka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories