HomeTiradii ugu Horreysay ee Maxaabiis Budhcad-badeed ah oo Somaliland la keenayo iyo...

Tiradii ugu Horreysay ee Maxaabiis Budhcad-badeed ah oo Somaliland la keenayo iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 24 March, 2012 (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay qaybtii ugu horreysay ee Maxaabiis Budhcad-badeed ah oo tiradoodu dhantahay 19 maxbuus oo laga soo qaadayo Xabsi ku yaala Jaziiradda badweynta Hindiya ku taala ee Seychelles, kuwaas oo xukun Maxkabadeed ku dhacay isla markaana muddo ku xidhnaa halkaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Maxamed Muuse Xaaji Galaydh ayaa sheegay inay maxaabiistaasi oo dhammaantood u dhashay koonfurta Soomaaliya ay iyagu dalbadeen in lagu xidho Somaliland, waxaanu yidhi, “Dadka Soomaaliyeed ee budhcad badeedda u xidhan oo caalamku in badan naga codsaday inaanu qaabillo,waanu aqbalay anagoo eegayna codsigii caalamka, codsigii iyaga (maxaabiista) ka yimidna eegayna. Ragga halkan (Somaliland) la keenayaa waa dad u dhashay Koonfurta Soomaaliya. Puntland way xasiloon tahay iyada maxaabiisteeda gooni ayaa loo geynayaa maxaabiista.”

blankMr. Galaydh wuxuu intaasi ku daray “Laakiin dadkan la inoo keenayaa waa dad u dhashay koonfurta Soomaaliya oo soo codsaday ayaa la keeni karaa iyo kuwa kale ee Somaliland u gasha ee dambigaasi gala sida xeerka iyo heshiisku dhigaayo. Waxaanu u dirnay halkay ku xidhan yihiin saraakiil ka tirsan Wasaaradda Cadaalladda si ay si cad ugu soo taabtaan codsigooda iyo dalabkooda.”

“Dadka Seychelles ku xidhan oo ah kooxdii u horeeyay waxay u ooyayeen in dhul dad ay afgaranayaan,meel ay ku tukadaan, meel dad ay afgaranayaan oo ehelkoodu ku soo booqdaan la geeyo. Iyagaa afkooda ka soo dalbaday in la geeyo Somaliland. Iyagoo ka eegaya dantooda, nolashooda ayaahooda dambe,”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee cadaalladda oo maanta u waramayay Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable TV. Agaasimaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Markaa anaguna waanu u diyaar-garaynay halkii ay ku xidhnaan lahaayeen oo qorshahoodii wuu naga dhammaaday. Waxaana taas nagu kalifay anagoo qadarinayna heshiiskii la dagaalanka budhcad badeedda ee aanu caalamka la galay iyo codsigaas ay codsadeen maxaabiistaasi Soomaaliyeed. Kooxdan u horeysa ee imanaysaa waa 19 xubnood. Markii aanu la hadalay ay lahaayeen ilmaadeerayaal meesha naga qaada.”

Agaasimaha guud wuxuu sheegay in tallaabadani ay ka dhalatay heshiis beesha caalamku la gashay xukuumadda Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Sidaad ogsoon tihiin xukuumadda Somaliland iyo dawladaha Ingiriiska iyo Seychelles heshiis ayay wada galeen. Xeerkii la sameeyay ee la dagaalanka budhcad badeedda iyo wareejinta maxaabiistu nidaam dheer ayuu soo maray labada Gole ee Wakiiladda iyo Guurtidda ayuu maray waana la ansixiyay.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories