HomeTiradii Ugu Badnayd Qaxoontiga Kasoo Bara-kacaya Dalka Yemen Oo Soo Gaadhay Magaalada...

Tiradii Ugu Badnayd Qaxoontiga Kasoo Bara-kacaya Dalka Yemen Oo Soo Gaadhay Magaalada Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera, (SLP)- Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxa soo gaadhay 425 qof oo ah qaxoonti ka soo baro-kacay dagaalka ka socda dalka Yemen, kuwaasoo markabkii siday uu saaka ku soo xidhay dekeda magaaladaas.

Dadkan ayaa isugu jira dad u dhashay Somaliland, Yemeniyiin iyo Itoobiyaan.Qaxoonti

Masuuliyiinta Somaliland ayaa isla saakaba qaabilay qaxoontigan, isla markaana geeyey xarun loogu talo galay oo ku taala Berbera.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan Berbera ayaa sheegay in Somaliland ahaan ay soo dhaweynayaan qaxoontigan, isla markaana la eegayo caafimaadkooda. Sidoo kalena ay dhamaan u diyaar yihiin hay’addaha Somaliland ee u xil-qaatay qaxoontigan ka imanaya Yemen.

Dadkan oo isugu jira dad reer Somaliland ah, qaar hore u qaxay dalka Soomaaliya, Itoobiyaan iyo Yemeniyiin kasoo bara-kacay dagaaladaas ayuu taliyaha laanta socdaalku sheegay inay  indho-indhaynayaan wixii loo qaban lahaa, sidii loo dejin lahaa iyo weliba qofkii doonaya inuu Somaliland sii dhaafo uu u tagi lahaa meesha uu rabo.

Tiradan ayaa noqonaysa qaxoontigii ugu badnaa ee soo gaadha Somaliland, iyadoo ay saddex jeer ooh ore ay soo gaadheen qaybo ka mid ah dadka kasoo cararaya dagaalada dalkaas Yemen.Qaxoont

Todobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii ay magaalada Berbera soo gaadhay doon siday 142 qof oo kasoo bara-kacay magaalada Mukha ee dalka Yemen, waxaanay Somaliland u diyuaarisay qaxoontigan xarun ay ku nastaan, isla markaana lagu daryeelo.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories