HomeTirada Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo Dooni kula degtay Xeebaha...

Tirada Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo Dooni kula degtay Xeebaha Yemen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sanca (SLpost)- Ugu yaraan 50 qof oo Tahriibayaal ah oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, ayaa lagu soo warramayaa inay geeriyoodeen, ka dib markii Doon yar oo ay ku safrayeen kula degtey Biyaha Xeebaha Galbeed ee dalka Yemen.

tahriibayaalLama oga xilliga ay dadkaasi Doontii ay la socdeen Badda ku degtay, hase-yeeshee Meydadka ayaa illaa Jimcihii lasoo dhaafay kasoo caaryayey Xeebta, waxaana lagu aasay meel u dhow degmada Zoubab ee galbeedka dalka Yemen.

Masuul aan la magacaabin oo ka tirsan dowladda Yemen, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Maraykanka ee AP, in isla toddobaadkan ay dalka Yemen gaadhey Doon kale oo ay 45 qof oo Tahriibayaal ahi saarnaayeen, dadkaas oo dhammaantood ay Ciidamada Boolisku dalkaasi gacanta ku dhigeen sida uu Masuulkaasi sheegay.

Tahriibayaal Afrikaan ah una badan Soomaali iyo Itoobiyaan oo ka cararaya faqriga iyo xasillooni-darrada waddammadooda ka jira, ayaa sannad walba gaadha Xeebaha Koonfureed ee dalka Yemen, iyaga oo ka dibna u ruuqaansada dhinaca Woqooyiga, si ay ugu sii tallaabaan Sucuudiga oo Yemen ay xuduud dheer wadaagaan.

Hay’adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha qaxoontiga ee UNHCR, ayaa sheegtay in sannadkii 2012 oo keliya ay dalka Yemen gaadheen 84,000 (siddeetan iyo afar kun) oo Tahriibayaal Afrikaana ah, dadkaas oo badankoodu nolol dhaanta midda ay dalalkooda ku haystaan ka raadsanayey dalka Sucuudiga iyo waddamamda kale ee Khaliijka Carabta.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories