HomeTirada Shacabka Somaliland Oo Gaadhay 6.2 Milyan iyo Qorshaha Hirgelinta Adeegyo Dhammeystiran...

Tirada Shacabka Somaliland Oo Gaadhay 6.2 Milyan iyo Qorshaha Hirgelinta Adeegyo Dhammeystiran oo ay Helaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa laga soo saaray qodobbo muhiim ah oo khuseeya horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta mashaariicda wax-qabadka Dowladda.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirradu go’aamiyey in la aasaaso qorshaha horumarinta Qaranka oo habraaca lagu maamulayo ay wada-jir u diyaarinayaan Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in xukuumaddu ku hawlan tahay sidii adeegyo dhammeystiran oo laga baaraan-degay u heli lahaayeen shacabka Somaliland oo la sheegay in tiradoodu xiligan marayso 6.2 Milyan oo Qof.

War-saxafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu faahfaahiyey arrimaha lagaga hadlay iyo qodobbo dhowr ah oo laga soo saaray, ayaa u qornaa sidan:-  “Fadhigii 127aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo lagu lafo-guray qodobbo kala duwan oo salka ku haya sidii la isu-waafijin lahaa arrimaha doorashooyinka sannadkan gudihiisa loo diyaar garoobayo iyo qorsheyaasha guud ee qaranka ee dhinaca maaliyadda, amniga iyo shilalka gaadiidka ee marba marka ka danbaysa sii badanaya.

Ugu horayn, Golaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeystay wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo xog-waran golaha ka siiyey xaaladda amniga ee dalka iyo midda geeskaba iyo diyaar garawga Xuska Sannad Guurada 34aad ee dib ula soo noqoshadii Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-May oo gudaha iyo dibeddaba ay ka socdaan abaabul xooggan oo la xidhidha qadiyadaha madax-bannaanida Somaliland.

Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay, wasiirrada wasaaradaha, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Maxamed Habbane iyo Horumarinta Caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) waxaanay dhammaantood golaha warbixin guud ka siiyeen hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan wasaaradahaasi iyo qorsheyaasha sannadkan lagu jiro u degsan.

Dhinaca kale, goluhu waxa uu dood iyo falan-qayn dheer ka dib soo saaray qodobbo muhiima oo la xidhidha danaha qaranka iyo kuwa bulshadaba, kuwaas oo kala ah;-

  1. In la Aas-aaso sanduuqa horumarinta qaranka laga bilaabo 2025-ka, iyadoo habraaca lagu maamulayo ay soo diyaariyaan wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka.
  2. Goluhu waxa uu xoojinayaa go’aamadii hore uga soo baxay shirarkii hore ee la xidhiidhay in mashaariicda horumarineed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha Caalamka aan cid kale loo soo marin ee wixii ay xaq u leedahay toos loogu soo hagaajiyo.
  3. Tirada Dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan oo wakhtigan maraya 6.2 Milyan (Somaliland Population 2024), waxa ay xukuumaddu ku hawlan tahay sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo laga baaraan degay.
  4. In tallaabo sharci oo deg-deg ah laga qaado arrimaha soo noq-noqday ee sababa shilalka gaadiidka ee naf iyo maalba ee dhibaatada ku haya dalka iyo dadkaba, iyadoo loo saaray guddi ka kooban wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo laamaha amniga ee arrintaasi khusayso.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories