HomeTirada Maxaabiis uu Madaxweynaha Somaliland Cafis u fidiyey

Tirada Maxaabiis uu Madaxweynaha Somaliland Cafis u fidiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu caawa soo saaray, waxa uu cafis ugu fidiyey maxaabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku jira Xabsiyada dalka

blank
Somaliland President, Muse Bihi Abdi

Wareegtada Madaxweynaha oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-509/052020, waxa uu madaxweynuhu ku sheegay in isaga oo tixgelinaya Xuska Maalinta 18-ka May uu Cafis u fidiyo 365 Maxbuus oo ku xidhan Xabsiyada dalka, waxaanu madaxweynuhu sheegay inaanu Cafiskani saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen.

Wareegtada madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan:-

Wareegto Madaxweyne: Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;
Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;
Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/211/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020;
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/110/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 365 (Saddex Boqol iyo Shan iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegtadiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sidan kale Bishii March ee sannadkan, waxa uu Cafis u fidiyey 800 Maxbuus oo dambiyo fudud ugu jiray xabsiyada dalka, iyadoo go’aankaasi qayb ka ahaa dedaallo lagaga hortagayo faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories