HomeTirada Masuuliyiinta, Askarta iyo Shacabka lagu Dilay Muqdisho Bisha Ramadaan (Warbixin)

Tirada Masuuliyiinta, Askarta iyo Shacabka lagu Dilay Muqdisho Bisha Ramadaan (Warbixin)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Magaalada Muqdisho ee Xarunta dalka Soomaaliya, ayaa bishan Ramadan gudaheeda waxa ka dhacay dilal kala duwan oo lala bartilmaameedsaday masuuliyiin ka tirsan Dawladda iyo Ciidamada iyo tiro Shacab ah.

Ilaa bilowgii bisha Ramadaan, waxa magaalada Muqdisho lagu dilay 71 qof isugu jira Xildhibaannada Baarlamaanka, Askar ka tirsan Ciidamada Soomaaliya, Masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo Dad Shacab ah, waxaanay hawl-gallada ugu badan ee dadka lagu dilay la fuliyey labadii todobaad ee u dambeeyey.

muqdishoShan masuul oo ka tirsan Dawladda Soomaaliya ka mid ah 25 qof oo ay ku jirto Saado Cali Warsame, kuwaas oo dilkooda la fuliyey labadii todobaad ee u dambeeyey, halka labaatanka Qof ee kalena ay isugu jiraan Askar iyo Dad shacab ah, sida lagu baahiyey warbixin lagu soo koobay dilalka ka dhacay Muqdisho oo aanu ka soo xigannay HOL.

Dilalka waxaa mas’uuliyadooda sheegatay Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta dalkaasi Soomalaiya, marka laga yimaaddo inaanay sheegan masuuliyadda dilalka loo geystay dadka shacabka ah, iyaga oo inta badan dadka ay ku dileen Muqdisho ku sheegay inay ahaayeen xubno dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo askar ka tirsan Ciidamada.

Dilalka ayaa lagu fuliyay gaadiid lagu rakibay walxaha Qarxa oo ay wateen xubno Al-shabaab ka tirsan, waxaana dadka lagu dilay gaadiidka ka mid ah sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad-sugidda iyo ilaaladiisa iyo xildhibaannno magacyadoodu kala yihiin Marxuumad Saado Cali Warsame iyo Marxuum Maxamed Maxamuud Xayd oo labadooda la khaarajiyey bisha Ramadan.

Intii lagu gudo-jiray Bisha Ramadan, kooxda Al-shabaab waxa ay weerartay xarunta baarlamaanka iyo madaxtooyada Soomaaliya, iyaga oo halkaas khasaare ugu geystay Askar ilaalo ahayd, waxaana hawl-galkaas shaqadooda ku waayey labadii taliye ee ciidamada booliiska iyo nabad-sugidda Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay ku guul-darraysteen sugidda ammaanka Muqdisho.

Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud oo isku dayaysa inay xakameyso weerarrada ay Al-shabaabku ka geysato Muqdisho, waxa ay u magacowday wasiirka Amniga xubin horay uga tirsanaa hay’adda nabad-sugidda Khaliif Axmed Ereg, ka dib markii uu is-casilay wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.

Askarta la dilay inta lagu jiray Ramadaanka, waxaa ka mid ahaa shan askari oo ka tirsanaa ciidamada Nabad-gelyada waddooyinka, kuwaas oo hal toddobaad gudihiis siyaabo kala duwan loogu dilay waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.

Falalka Amni-darro ee Muqdisho gil-gilay bishan Ramadaan ee gebo-gabada ah, waxa ay dawladda Soomaaliya kaga jawaabtay inay qudha ka jarto Lix qof oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo maxkamadda ciidamadu ku xukuntay dil-toogasho ah, kuwaas oo loo haystay dilal iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale, falalkan Amni-darro waxa ay sababeen in guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamadu Col. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare uu ku dhawaaqo in qof kasta oo loo qabto Al-shabaabnimo si deg-deg ah loogu fulin doono Dil-toogasho ah.

Haseyeeshee, illaa hadda dowladda Somalia cid uma qaban dilalkii loo geystay labadii xildhibaan ee baarlamaanka ka tirsanaa, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in dad loo qabtay dilkii xildhibaan Saado Cali Warsame oo bilowga todobaadkii hore lagu dilay Muqdisho.

Dhacdooyinkaas oo dhami waxa ay beeniyeen isla markaana meesha ka saareen dhawaaq uu madaxweynaha Soomaaliya bilowgii bishan Ramadaan ugu bushaareeyey shacabka Muqdisho barnaamij uu ugu magac-daray ‘Naba ku Afur’ oo isu beddelay Baqdin ku Afur, ka dib markii ay Al-shabaabku ka dhabeeyeen ballan-qaadkaad ay ku shaaciyeen inay Muqdisho ka fulin doonaan qarxyo iyo dilal qorsheysan inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jirta cabsi weyn oo shacabku qabaan, iyadoo qaar ka mid ah xildhibannada baarlamaanka ay walaac xooggan ka muujiyeen dilalka loo geysnayo xubnaha ka tirsan baarlamaanka, waxayna sheegeen in haddii dawladda Xasan Sheekh Maxamuud wax ka qaban weydo amni-darrada Muqdisho ay go’aan cad qaadan doonaan, balse may shaacin nooca uu yahay go’aanku; Ma inay magaalada ka guuraan, mise inay kalsoonida kala noqdaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Cabdiweli Sheekh?

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories