HomeTirada Maleeshiyaad ka soo Goostay Maamul goboleedka Puntland oo Isu-soo dhiibay Ciidanka...

Tirada Maleeshiyaad ka soo Goostay Maamul goboleedka Puntland oo Isu-soo dhiibay Ciidanka Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Boocame (SLpost)- Malleeshiyaad ka tirsanaa maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo gaadiid tikniko ah oo ay wataan, ayaa maanta isu-soo-dhiibay Ciidanka Qaranka Somaliland.

Tiro ku dhow 70 askari oo ku gaashaaman Laba Baabuur oo Tikniko ah, ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugan fadhiisimada deegaanka Boocane ee gobolka Sool.

blankMaleeshiyaadka ka soo goostay Ciidanka Puntland waxa si diiran u qaabilay Maayarka degmada Boocane Faarax Cali Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay degmada Boocane.

Sarkaalka hoggaamiyey maleeshiyadka oo la yidhaahdo Gaashaanle Cabdixakiin Yaasiin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garwaaqsadeen in dalkoodu yahay Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ay ka soo goosteen Maleeshiyada Puntland oo uu sheegay inay Caddaalad darro ba’an iyo reernimo ku hayeen. Waxaanu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in lagu soo dhaweeyo deegaankoodii islamarkaana ay ka mid noqdaan ciidammada qaranka.

Maayarka degmada Boocane ee gobolka Sool, Faarax Cali Maxamed ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ciidanka ka soo goostay Puntland oo uu xusay in u dhasheen Jamhuuriyadda Somaliland kana soo jeedaan deegaanka Boocane, waxaanu tilmaamay inuu ciidankaas uga mahad celinayo inay garteen inay u soo hiloobeen dalkoodii isla markaana ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan walaalahooda Somaliland.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Boocane, Axmed Jaamac Cartan ayaa sheegay inay si niyadsami ah u soo dhaweynayaan ciidammadaas ka soo goostay Puntland oo uu ku tilmaamay kuwo ku baraarugay xaqiiqda isla markaana xuquuqdooda ka heli doona ciidammada Somaliland.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories