HomeTirada Kiisaska Covid-19 ee Somaliland oo Gaadhay 304 Qof iyo Tirada u...

Tirada Kiisaska Covid-19 ee Somaliland oo Gaadhay 304 Qof iyo Tirada u dhimatay oo Korodhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay Kiisas cusub caabuqa Coronavirus ah oo laga helay muwaadiniin intooda badani ku nool yihiin magaalada Hargeysa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalin laha ah ee xannuunka Covid-19 la wadaagay warbaahinta, ayaa sheegay in baadhitaanno caafimaad oo 24-kii Saacadood ee u dambeeyay lagu sameeyey 43 Qof oo cusbitaalka Guud tagay kaddib markii ay xannuunka isaga shakiyeen laga helay 18 ka mid ah.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in 14 ka mid ah Dadka xannuunka laga helay deggan yihiin Magaalada Hargeysa, Saddex ka mid ahi magaalada Berbera, halka qofka kale ku nool yahay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in Hal Qof u geeriyooday Xannuunka 24-kii saac ee u dambeeyey, taas oo tirada guud ee dadka Covid-19 ugu geeriyooday Somaliland ka dhigaysa 20 Qof.

Waxa kale oo uu sheegay inay xannuunka ka bogsadeen 7 Qof oo astaamaha xannuunka laga waayey baadhitaannada la sameeyey 24-kii saac ee u dambeeyey taas oo tirada guud ee dadka xannuunka ka soo kabtay ka dhigaysa 40 Qof.

Guud ahaan Somaliland tirada dadka Xanuunka laga helay ayaa gaadhay 304 Ruux, iyadoo tirada guud ee baadhitaan caafimaad loo sameeyey yihiin 1235 Qof.

Magaalada Hargeysa, ayaa ugu badan tirada kiisaska caabuqa Coronavirus ee dalka iyadoo laga helay 158 kiis, halka magaalada labaad tahay Boorama oo laga helay 23 kiis.

Magaalooyinka Burco iyo Berbera, ayaa laga kala helay 17 Kiis iyo 15 kiis, sida ay isugu xigaan. Magaalada Laascaanood ayaa maraysa 3 Kiis oo la xaqiijiyey halka magaalada Ceerigaabo laga helay Hal Kiis oo Coronavirus ah.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories