HomeTirada Guryo ku Shuf-beelay Xaafado Hargeysa ka tirsan iyo Ciidanka Dab-demista oo...

Tirada Guryo ku Shuf-beelay Xaafado Hargeysa ka tirsan iyo Ciidanka Dab-demista oo Gurmad baaxad leh ka galay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Dab-demiska Qaranka Gaar ahaan Ciidanka Dab-demiska Magaalada Hargeysa ayaa subaxnimadii hore ee saaka u baxay Dab weyn oo kacay degmada Ibraahim Koodbuur gaar ahaan isgoyska xero awr, dabkaas oo noociisu ahaa Meherad Faarada ah ayaa isla markii ciidanka dabdemiska lagu soo wargeliyay dabkaas si deg dega ugu baxay waxaanay daqiiqado yar oo kooban ku gaadheen dabkaas.

19149103_1916273015315186_415949993581458806_nSidaasna waxa lagu sheegay war-qoraal kooban oo naga soo gaadhay xafiiska warbaahinta ee Dab-demista Qaranka, kaas oo u qornaa sidan:- “Dabkan ayaa ka dhashay Shoodh Laydh sida ay nagu soo war-galiyeen dadweynuhu, waxaana ciidanka dabdemiska caasimada hargeysa si hagar la’aana ula dagaalamay dabkaas isla markaana ay u bakhtiiyeen iyadoo dhamaan a laga soo samatabixiyay dadkii iyo wixii kale ee agaba ee laga gaadhay.

Sidoo kale ciidanka dabdemiska ayaa xakameeyay dabkaasi inaanuu ku fidin agagaarka guryaha u dhawaa, waxaana ciidanku dabdemiska ilaahay ku guuleeyay daminta dabkaasi. waxaa iyaduna xusid mudan in Sarkaal Ciidanka Dab-demiska ka tirsani uu dhaawac ka soo gaadhay dabkaas gaar ahaan Shoodh Laydh oo ku dhagay, waxaana markiiba Qaybta Gargaarka Deg dega ee Ciidanku gaar ahaan waaxda Caafimaadku ay Gargaar u Fidiyeen.

19060186_1916273025315185_8738817711091924191_nDhanka kale saacado yar kadib waxaa iyadana dab laga soo sheegay Degmada Gacan Libaax Gaar ahaan Xaafada Cabaaye, Dabkaasi oo ahaa Guryo Farabadan oo Jiingadaa isla markaana aad iskugu dhawaa dhamantood ayaa ciidanku mar labaad u baxay, waxaana ciidanka dabdemiska caasimada Hargeysa gaadheen goobtaas iyadoo isla markiiba la bilaabay hawlgalka dabkaas oo Muddo Saddex Saacadooda Qaatay.

Dabkan ayaa waxaa uu ka bilaabay Jiingad ka mida guryahaa waxaana sida dadweynaha goobta joogay noo xaqiijiyeen inuu sababay dabkaa Shoodh Laydh, waxaana dabkaas oo aad u weynaa Ciidanku gababadii ku guuleysteen Daminta Dabkaas iyadoo aanay Jirin Wax khasaare Nafeed ah oo ka soo gaadhay Guryahaa Gubtay.

19059831_1916272925315195_2873943980990778004_nCiidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa waxaa ay xakameeyeen dhamaan dabkaa iyadoo ay u dhawaayeen guryo waaweyn iyo sandaqo aad u fara badan oo isku dhaw dhaw.

Ugu dambayn waxaa Ciidanka Dabdemiska iyo Maamulka sare ee Dabdemisku ay fariin u dirayaan dadweynahu marka dab uu dhaco inaanay ku soo uruurin isla markaana aanay buuq iyo sawaxan ka samayn goobta laga fulinayo hawlgalka dabka, sidoo kale markasta Dadweynuhu ay baneeyaan waddooyinka markasta oo hawlgal dab jiro si gurmadka deg degaa loo gaadho.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories