HomeTirada Ergooyinka ka Qayb-galay, Magacyada Shir-guddoonka loo doortay iyo Jewigii uu ku...

Tirada Ergooyinka ka Qayb-galay, Magacyada Shir-guddoonka loo doortay iyo Jewigii uu ku furmay Shirweynaha 4aad ee Kulmiye (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta furay shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maanta ka furmay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo muddo saddex maalmood ah socon doona, ayaa waxa kasoo xaadiray 1,122 (Kun, Boqol iyo laba iyo labaatan) ergey oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka oo ay hormuud u yihiin madaxweynaha, ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee hoggaanka KULMIYE, guddoomiyaha golaha wakiillada iyo ku-xigeenkiisa oo kamid ah xisbiga, wufuud kala duwan oo ka kala socota dalalka Taiwan, Jabuuti iyo Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, xubno ka socday axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

blankUgu horrayn waxa uu shirweynuhu doortay Afar xubnood oo noqon doona shir-guddoonka shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, kuwaas oo shirka hagi doona muddada uu socdo, kuna dabbaqi doona ajandaha guud ee shirweynaha horyaalla, waxana ay xubnahaasi kala yihiin, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), Mudane Cali Maxamed Cali (Cali Cali-yow), Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Faysal Cumar Madar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE si rasmi ah u daah-furay, ayaa madasha ka jeediyey khudbad ballaadhan oo dhinacyo kala duwan taabanaysa, taas oo uu inteeda badan diiradda ku saaray guulihii kala dambeeyey uu xisbiga KULMIYE qaranka Somaliland gaadhsiiyey muddadii uu caynaanka hayey, isagoo caddeeyey in xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga ka dhashay ay muhiimad gaar ah siiyeen sinnaanta muwaadiniinta, ilaalinta qarannimada, ilaalinta iyo adkaynta shuruucda dalka, ilaalinta amniga, daryeelka shaqaalaha dawladda, dhismeyaasha kaabayaasha dhaqaalaha, hirgelinta dawlad-wanaagga, kor u qaadista iyo tayeynta tacliinta iyo sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen haweenka iyo bulshada nugulka ahi.

Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa ku xusay madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Aas-aasihii xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku tilmaamay rug-caddaa siyaasi ah oo dalka iyo dadkaba in badan usoo shaqeeyey, bulshadiisana wax badan u dhiteeyey, isaga oo sidoo kalena u mahadnaqay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu ka tanaasulay Kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga oo uu hore ugu talo galay inuu u tartamo, waxana uu go’aankaas ku tilmaamay mid taariikhi ah oo tudhaale u ah bahweynta xisbiga iyo guud ahaanba Somaliland.

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa socon doona labada maalmood ee foodda inagu soo haya, waxana qorshuhu yahay in lagu soo doorto hoggaankii xisbiga hoggaamin lahaa muddo-xileedka soo socota, iyada oo sidoo kale lagu gorfayn doono arrimo muhiim ah oo ajandaha shirka kamid ah.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories