HomeTirada Dhimashada COVID-19 ee Dalka Britain oo kor u dhaaftay 31,000 iyo...

Tirada Dhimashada COVID-19 ee Dalka Britain oo kor u dhaaftay 31,000 iyo 626 Qof oo maanta geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- 626 Qof oo bukaan ah, ayaa cudurka COVID-19 maanta ugu geeriyooday dalka Britain, taas oo wadarta guud ee dhimashada cudurka la xidhiidha coronavirus-ka ee dalkaas ka dhigeysa 31,241, sida uu Jimcaha maanta shaaciyey Xoghayaha Deegaanka ee dalkaas George Eustice.

blankXogta dadka geeriyooday ayaa ka kooban bukaanno ku jiray cusbitaallada, Guryaha dadka waaweyn lagu daryeello iyo bukaanno guryahooda ku dhintay.

Waaxda Caafimaadka ee dalkaas, ayaa horaantii maanta shaaciyey in ilme yar oo lix todobaad jiray u dhintay xannuunka Covid-19, kaddib markii maalin ka hor laga helay caabuqa Coronavirus.

Haweenayda wasiirka Deegaanka ah, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in xukuumaddu ugu talo-gashay lacag dhan 20 Milyan oo Dollar si ay gacan uga gaysato taageeridda hay’adaha samafalka ah ee quudiya qaar ka mid ah dadka ugu nugul dalkaas ee ay masiibadani ku dhacday.

Waddanka Ingiriiska oo ilaa haatan xaalad deg-deg ah ku jira oo lagu sii xoojiyey bandooga, ayaa la filayaa in la fududeeyo isla markaana la furo goobaha ganacsi, waxaana la filayaa in maalinta Axadda uu khudbad jeediyey Raysal-wasaaraha Britain Boris Johnson oo laga sugayo go’aankan arrinta.

Dalka Britain, ayaa xilligan noqday waddanka ugu badan qaaradda Yurub ee ay cudurka Covid-19 u dhinteen, iyadoo uu kor u dhaafay dalalka Talyaaniga iyo Spain oo markii hore hoggaaminayey saamaynta uu cudurku ku yeeshay qaaradda Yurub.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories