HomeTirada Dambiyada Somaliland Ka Dhacay Sannadkan 2022

Tirada Dambiyada Somaliland Ka Dhacay Sannadkan 2022

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Hargeysa (SLpost) – Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa sheegay in sannadan 2022, ay Somaliland ka dhaceen 27,801 danbi oo iskugu jira dilal, kufsi, shilal, caruur la tuuray, ka ganacsiga maandooriyaha iyo kuwo kale.

Hoggaanka Howlaha Ciidanka Booliiska Sarreeye guuto Ibraahin Cabdi Xaaji Maxamuud, ayaa tirada danbiyada iyo noocyadooda ka akhriyay munaasibad loo qabtay sannad-guurada 29aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliiska Somaliland.

Waxa uu sheegay in 5,565 ka mid ah danbiyada la diwaangaliyay ay beenoobeen, oo caddayn loo waayay, In heshiis lagu dhameeyay 11,320 danbi, isla-markaana ay maxkamaduhu go’aan ka gaadheen 10,916 danbi halka ay baadhisi ku socoto 540 danbi.

Waxa uu sheegay in 60 qof si badheedha loo dilay, isla-markaana ay gaysteen 60 eedaysane, kuwaasi oo 49 ka mid ah gacanta lagu dhigay, halka 11 eedaysane ay baxsad yihiin oo aan wali gacanta lagu dhigin.

Tirada guud ee kufsiyada ayuu ku sheegay 266 kufsi, oo ay gaysteen 280 eedaysane, kuwaasi oo ay qaarkood kufsi wadareed ahaayeen, waxa uu sheegay in la qabtay 240 eedaysane, kuwaasi oo 40 ay baxsad yihiin.

Tirada guud ee shilalka gaadiidka ayuu ku sheegay 5,829, waxa shilalka ku naf waayay 148 qof, halka 3,944 oo qofna ay ku dhaawacmeen, 3,525 baabuur ayaa ku waxyeeloobay shilalka,, 412 neef oo xoolo ah ayaa ku dhintay, halka 124 dhisme uu khasaare kasoo gaadhay.

Tirada Carruurta la tuuray ayuu ku sheegay 40 carruur ah oo 20 ka mid ahi ay dhinteen.

Waxa uu sheegay in booliisku uu qabtay 70,065 litir oo khamri ah, iyo 75 kiilo iyo badh oo xashiishad ah, tirada eedaysanayaasha loo qabtay maandooriyaha waxa uu ku sheegay 94 eedaysane, waxaana lagu qabtay 51 baabuur.

Waxa uu kusoo gaba gabeeyay in tirro ka badan 90 eedaysane loo qabtay falal diinta Islaanka kasoo horjeeda oo ay ku kaceen.

Akhriso Warbixinta fal-dambiyeedyadii Sannadkii Hore ee ka dhacay Somaliland.

https://youtu.be/7_RMIW4CSf4

Somalilandpost.net/Hargeisa Office 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories