HomeTirada Dadka u dhintay Cudurka Ebola oo kor u dhaafaysa 4,000 iyo...

Tirada Dadka u dhintay Cudurka Ebola oo kor u dhaafaysa 4,000 iyo waddamada Reer Galbeedka oo heegan culus galay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

LONDON (SLpost)- Tirada dadka u dhintay Cudurka Ebola oo saamayn ballaaadhan ku yeeshay adduunka, ayaa kor u dhaafaysa 4,000 oo qof tan iyo markii uu cudurkani ka dillaacay Galbeedka qaaradda Afrika bishii saddexaad ee sannadkan.

Sida lagu baahiyey warbixin hor leh oo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadku ka soo saartay cudurkan, ayaa tilmaamaysa in tirada dadka cudurkan u dhintay ay gaadhayso 4024 qof oo geeridooda la xaqiijiyey ama loo ga shakisan yahay iinay ku geeriyoodeen waddamada Galbeedka Afrika ku yaala ee Guinea, Liberia iyo Sierra Leone.

Ebola Outbreak (2)Siddeed ka mid ah dadkan ayaa xannuunkan ugu dhintay waddanka Senegal ee galbeedka Afrika halka qof kale oo u dhashay waddanka Liberia uu todobaadkii hore cudurkan ugu dhintay waddanka Maraykanka.

Sida ay lagu sheegay war-bixinta Qaramada Midoobay, wadarta guud ee la xaqiijiyey in cudurkani haleelay ayaa gaadhaysa 8,399 qof oo badankoodu ku nool yihiin wadamada Galbeedka Afrika.

Qofkii u dambeeyey ee cudurkani haleelo ee meel ka baxsan qaarada Afrika, ayaa ah haweenay kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay waddanka Spain, taas oo daawaynaysay Baadari ka hawl-galayey waddamada Galbeedka Afrika oo cudurkani ku dhacay.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Teresa Romero oo xaaladdeeda caafimaad liidato, ayaa lagu dawaynayaa cusbitaal ku yaala magaalada Madrid ee dalka Spain.

Raysal-wasaaraha dalka Spain, Mariano Rajoy, ayaa maanta magacaabay guddi gaar ah oo loo xilsaaran xakamaynta kiiskan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee lagu arko qaaradda Yurub.

Ebola Outbreak (1)Waddamada Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa xoojiyey baadhitaanno lagu samaynayo dadka rakaabka ah ee isticmaalaya madaarrada dalalkaas, si looga hortago halista cudurkan oo lagu tilmaamay inuu khatar ku yahay xasiloonnida adduunka.

In ka badan 233 shaqaalaha Caafimaadka ah ee ka hawl-gala Galbeedka Afrika, ayaa u dhintay cudurka Ebola, taas oo ka dhigaysa faafista Virus-kii ugu dhimashada badnaa adduunka inta la ogyahay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories