HomeTirada Dadka Somaliland u dhashay ee Xannuunka Covid-19 ugu Geeriyooday UK oo...

Tirada Dadka Somaliland u dhashay ee Xannuunka Covid-19 ugu Geeriyooday UK oo Maraysa 40 Ruux

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Tirada dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee dalka UK ugu geeriyooday xannuunka Covid-19, ayaa gaadhaysa 40 ruux, sida uu sheegay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska.

Wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi Diiriye waxa uu sheegay inuu hayo liiska Dad gaadhaya 40 Qof oo reer Somaliland oo Xanuunka Covid-19 ugu Geeriyooday dalkaas, kuwaas oo qayb ka ah dad Somali ah oo tiradoodu ka badan tahay 100 qof oo Cudurka u geeriyooday.

blankCabdi Cabdillaahi Diiriye oo u warramay Warbaahinta dowladda, waxa uu sheegay in Dadka dhintay isugu jiraan Dad waayeel ah iyo kuwo dhallinyaro ah, kuwaasi oo ku kala nool gobolka dalka UK.

“Dadka uu xannuunku dilay Soomaali baa ku jirta, gaar ahaan Somaliland ilaa hadda Dadka liiskoodu na soo gaadhay ilaa 40 ayay gaadhaysaa oo dhallinyaro ku jirto, waayeel ku jiro, ayaa illaa hadda liiskoodu na soo gaadhay oo la soo ururriyey,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Cabdi Cabdilaahi Diiriye, waxaanu intaa ku daray, “Ilaahay ha innaga dul-qaadee meel aad iyo aad u halis ah ayuu marayaa.”

Inkasta oo Safiirku sheegay in tirada ay hayaan ee xannuunka ugu geeriyooday tahay 40 qof, haddana waxa dhici karta in tirade intaas ka badan tahay maadaama aan la haynin tirakoobka rasmiga ah iyo tirada dadka geeridooda la soo gaadhsiiyey Xafiiska dibloomaasiyadeed ee Somaliland  ku leedahay magaalada London ee dalka UK.

Safiirka oo la waydiiyey inuu xidhiidh la sameeyay ehellada Dadka u geeriyooday Covid-19 maaddaama oo aan laga qayb-galayn Aaska Dadka u dhinta Xanuunkaasi, waxa uu ku jawaabay, “Waanu la hadalnay intii aanu la hadli karaynay, waayo London oo qudha maaha, waa Sheffield, Liverpool, Bristol, Birmingham, Coventry intaasi oo dhan ayay ka kooban yihiin, markaa intii aanu la hadli karaynay ee aanu Telefoonadoodii helnay waanu u Tacsiyadaynay,”ayuu yidhi Danjire Cabdi Diiriye.

Guud ahaan Boqortooyada dalka Ingiriiska, tirada dadka u geeriyooday Xannuunka Covid-19, ayaa gaadhaysa 26,097 qof, halka tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyey ka badan yihiin 165,000 ruux.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories