HomeTirada Dadka Ku Naf-waayey Khasaarihii Ka Dhashay Duufaantii ku Dhufatay Xeebaha Puntland...

Tirada Dadka Ku Naf-waayey Khasaarihii Ka Dhashay Duufaantii ku Dhufatay Xeebaha Puntland oo isa soo taraya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Garoowe (SLpost)- Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday sida ay uga werwarsan yihiin in khasaarihii ka soo gaadhay Duufaantii ku habsatay deegaamada ku teedsan xeebaha gobolkaas ay ka badan tahay inta la ogyahay.

Qoraal maamul-goboleedkaasi ugu talo-galay warbaahinta, ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin in dadkii ku dhintay duufaantii xoogganayd ee maalmihii la soo dhufatay qaar ka mid ah deegaannada xeebta ku yaalla ee Puntland ay gaadhaan 3OO  oo qof.

puntland“Waxaa socda hawlo loogu gurmayo dadka ku sugan goobihii ay duufaantu ku dhufatay, waxaan laga baqdin qabaa in dadka ku dhintay gaadhaan 300-qof, kumannaan xoolo ah ayaana duufaantaas lagu waayay,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Puntland.
In kasta oo aan tiro-koob rasmi ah laga heynin dadkii ku dhintay duufaantaas, haddana hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa warbxin ay soo saartay maanta ku sheegtay in duufaanta roobabka iyo dabeylaha wadatay ay ahayd mid aad u xooggan.

“Baabuurta gargaarka wada ma gaadhi karaan goobaha ay duufaantu sida xooggan ugu dhufatay, waayo waddooyinkii oo dhan ayaa burburay, taas waa dhibaato sababi karta in dib u dhac uu ku yimaado gargaar deg-deg ah oo lala gaadho,” ayaa lagu yidhi warxsaxaafadeedka ay Puntland soo saartay.

Sarkaal ka tirsan hay’adda FOA oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay jiraan roobab weli ka da’aya deegaamo ka tirsan maamulka Puntland. “Burbur xooggan ayay duufaantu geysatay, welina goobaha qaarkood waxaa ka da’aya roobab aan badnayn,” ayuu yidhi Xuseen Gadayn oo hay’adda FAO ka tirsan.

puntland2Sidoo kale, kalluumeysato fara badan oo ka jillaaban jiray badweynta India ayaa maqan, kuwaasi oo laga baqdin qabo inay dhibteen, iyadoo duufaantu ay burburisay deegaanno, guryo, dhismayaal iyo doonyo, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay FAO.
Punland ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay geysteen duufaantii qaybo ka mid ah deegaannada ay maamulaan ku dhufatay, iyadoo madaxweyne C/raxmaan Faroole uu sheegay inay magacaabeen guddi si dhaqso ah ugu gurmada dadkaas, isagoo baaq u diray hay’adaha samafalka.

Goobaha ay duufaantu burburisay waxaa ka mid ah buundo weyn oo isku xidhi jirtay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, taas oo uu dib u dhagax-dhigay dhismaheeda maanta madaxweynaha Puntland.

Duufaantan ayaa noqonaysa tii ugu xumayd ee Puntland ku dhufata tan iyo sannadkii 2004 oo ay deegaanno badan oo Somalia ka tirsan ay waxyeello gaadhay Dhul-gariirkii loogu magac-daray Tsunami oo ka dhacday Badda Hoosteeda, gaar ahaan Badweynta Hindiya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories