HomeTirada Dadka ay Saamaysay Xaalad Abaareed oo ka jirta Somaliland iyo Qorshaha...

Tirada Dadka ay Saamaysay Xaalad Abaareed oo ka jirta Somaliland iyo Qorshaha Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dalka ka jirto xaalad abaareed baahsan oo ay sheegeen inay saamaysay Dadka reer Guuraaga ah ee ku dhaqan gobollada dalka

Guddigu waxa ay sheegeen inay Abaartu saamaysay Dad gaadhaya 810,000 qof, isla markaana laga yaabo inay tiradaadaasi intaas ka badan karto isla markaana ay gaadho in ka badan 1.2 Milyan oo Qof.

Guddida oo dhawaan uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa guddoomiye u ah madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey baaxadda abaarta iyo tallaabooyinka guddi ahaan u qorshaysan iyo baaqyada ay dirayaan.

“Iyada oo lagu salaynayo warbixinta hordhaca ah ee NADFOR ee la xidhiidha xaaladda abaarta ayaa waxaa fadhigii 83aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi magacaabay Guddida Gurmadka Abaarta oo ka-hawl gashay qiimaynta xaaladda iyo dejinta qorshaha lagaga jawaabayo,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo sidoo kale lagu faahfaahiyey tallaabooyinka ay guddi ahaan qaadeen iyo qorsheyaasha xukuumadda. “Guddida qaran ee abaarta ayaa waxay ay bilaabeen howlaha gurmadka abaarta iyaga oo qaaday tallaabooyin kala duwan kuwaasi oo kala ah:

  • Howl-galinta guddida farsamo oo ka kooban wasaaraddaha xubnaha ka ah guddida abaarta iyo hay’adda NADFOR oo daraasad ku sameeyey xaaladda abaarta ee dalka ka jirta guud ahaan, kana soo diyaariyay war-bixin dhammaystiran oo la xidhiidha xaaladda abaarta ee dalka.
  • Dayactirka iyo kicinta ceelasha dhaadheer ee biyaha kuwaasi oo ay tiradoodu dhamayd 41 ceel, kuwaasi oo ku yaalay goobaha biyo yaraantu ay ka jirto gaar ahaan gobolada Bari.
  • Waxa biyo-dhaamis ay ka bilaabeen booyadaha dawladdu gobolada Togdheer, Sanaag, Sool iyo Maroodijeex
  • Waxa hay’adda NADFOR diyaarisay kayd-raashin ah oo loogu talo galay dadka abaartu saamaysay,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafdeedka oo uu ku saxeexan yahay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Md Saylici, guddoomiyaha Guddiga heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha Somaliland, waxa uu intaas ku daray, “Aniga oo tix-raacaya warbixinta xaaladda abaarta, waxa aan ku dhawaaqayaa in ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo saamaysay dhammaan gobalada dalka sida: Sool, Sanag, Togdheer, Sahil, howka Marodijex, iyo xeebta Gobolka Awdal. Qiimeynta lagu sameeyay waxyeeladda abaartu waxay si toos ah u saamaysay dad gaadhaya 810,000 oo qof oo u baahan kaalmo deg-deg ah sida biyo, cunno iyo caafimaadba, Waxana sidoo kale la filanayaa in ay saamayn doonto dad ku dhow 1,200,450 qof, afarta bilood ee soo socda.”

Md Saylici waxa uu war-saxaafadeeka ku sheegay in xukuumaddu $3 Milyan u diyaarisay Gurmad Abaaraha, waxaanu yidhi, “Haddaba si wax looga qabto xaaladdan, wax ay xukuumaddu qoondaysay kharash dhan $ 3,000,000 Milyan (Saddex Milyan oo Doolar) oo lagu talogay Raashin, biyo-dhaamis iyo kicinta ceelasha xumaaday.

Waxa aan farayaa guddiyada gurmadka abaarta ee heer gobol in ay udiyaar garoobaan wax ka qabadka xaaladda abaareed ee jirta, kaalintooda ay ka qaataan.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu baaq u diray Ganacsatada dalka, hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururrada Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah iyo dowladaha Caalamka inay u gurmadaan Dadka Abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka.

“Waxa kale oo aan ugu baaqayaa ganacsatadda reer Somaliland, qurbajooga reer Somaliland, hay’addaha caalamiga ah (UN, INGO’s iyo LNGO’s), Dowladaha caalamka iyo saaxiibada Somaliland in ay door ka qaataan gar-gaarka iyo samato-bixinta dadka ay abaartu saamaysay, inta aanay xaaladdu ka sii darin.

Dadka reer Somaliland waxa aan ugu baaqayaa in ay gacmaha is-qabsadaan, is-caawiyaan, dantoodana ka shaqeeyaan, Ilaahayna baryaan in inaga soo furto abaarta, inana garab mariyo xanuunadda iyo musiibooyinka.

Haddaba, laga bilaabo maanta waxaan ku wargalinayaa in cid walba oo doonaysa inay wax ka qabato abaarta dalka ay waajib tahay inay soo marto guddida gurmadka abaarta.” Sidaas ayuu war-saxaafadeedka ku yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories