HomeTirada Dad ku geeriyooday Dooni Xeebaha Liibiya kula Qaraqantay Tahriibayaal Jinsiyado kala...

Tirada Dad ku geeriyooday Dooni Xeebaha Liibiya kula Qaraqantay Tahriibayaal Jinsiyado kala duwan u dhashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tripoli (SLpost)- Ugu yaraan 36 muhaajiriin ah ayaa geeriyooday 42 qof oo kalena waa la’ yahay, ka dib markii doontii ay saarnaayeen Kula degtay Meel 50 KM u jirta Xeebta magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya

tahriibayaalCiidamada Ilaalada Xeebaha Liibiya, ayaa u gurmaday Doonta Qarraqantay oo ay saarnaayeen 130 Muhaajiriin Afrikan ah, waxaana la bad-baadiyey 52 ka mid ah, halka 36 Qof oo kale Meydkooda la helay, waxaana dadka ku dhintay ku jirta Haweenay Uur leh, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Ilaalada Xeebaha Liibiya oo maanta la hadlay warbaahinta dalkaas.

Kornayl Ayuub Kassem waxa uu sheegay in shilkani dhacay maalintii Salaasada ee todobaadkii hore meel Afar KM u jirta magaalada Garabulli oo dhinaca Galbeed 50 KM ka xigta Caasimadda dalkaas Libya.

“Waxaanu awoodnay inaanu badbaadinno 52 qof oo jinsiyado kala duwan isugu jira. 36 Mayd ah ayaanu helnay, 24 ka mid ahna maanta (Axad), ayaanu soo saarnay,” sidaas ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenku waxa uu ka soo xigtay dadka la badbaadiyey inay doonta Saarnaayeen 130 qof oo badankoodu u kala dhashay waddamada Burkina Faso, Cameroon, Gambia, Mali iyo Senegal, balse lama xusin inay ku jireen tahriibayaal Soomaali ah.

Sarkaalkani waxa uu ku sababeeyey shilka ku yimi Doonta tahriibayaasha Afrikaanka ahi saarnaayeen inay kala tirada badnaayeen tirada dadka la saaray iyo Xajiga doonida loogu talo-galay oo kala batay, taasina ay sababtay inay markiiba degto.

Xilliga uu shilkani dhacay oo todobaadkii hore ku beegnayd iyo maanta (Axad) oo dawladda Liibiya shaacisay warkan, waxa u dhexeeya muddo Lix maalmood ah.

Madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka u qaabilsan dalka Liibiya, Othman Belbeisi, ayaa ku baaqay in xal deg-deg ah loo helo badbaadinta nolosha dadka muhaajiriinta ah ee dalkaas ku sugan.

Dalka Liibiya, ayaa sannadihii u dambeeyey marin qaaradda Yurub laga Galo u noqday boqolaal Kun oo Muhaajiriin Afrikaan ah oo baadi-goobaya nolol ka duwan ta ay dalalkooda ku haystaan, kuwaas oo doonyo aan tayadoodu wanaagsanayn kaga tallaaba Badda Mediterranean-ka ee u dhaxaysa Afrika iyo Yurub, waxaanay gaadhaan dalka Malta iyo jaziiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Boqolaal ka mid ah Muhaajiriinta ayaa sannad kasta ku geeriyooda doonyo ku Qaraqma biyaha Badda Mediterranean-ka.

In ka badan 22,000 muhaajiriin ah ayaa gaadhay dalka Talyaaniga ilaa bilowgii sannadkan, taas oo 10 jeer ka badan marka loo eego sannadkii hore ee 2013-kii.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories