HomeTirada Dad ku dhintay Diyaarad u socotay Muqdisho oo ku burburtay Nairobi

Tirada Dad ku dhintay Diyaarad u socotay Muqdisho oo ku burburtay Nairobi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Diyaarad Qaad u sidday Soomaaliya ayaa saaka subaxnimadii ku burburtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Niarobi, waxaana ku dhintay Afar qof oo isugu jiray duuliyeyaashii iyo shaqaalihii kale ee diyaaradda.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku dhacday dhisme ku yaalla garoonka wax yar kaddib markii ay ka duushay garoonka, taasoo keentay inay burburto, iyadoo aanay jirin cid kale oo waxyeello kasoo gaadhay burburka diyaaraddan.

Security personnel stand at the site of the wreckage of a cargo plane that crashed into a commercial building on outskirts of Nairobi“Diyaarad nooceedu ahaa Fokker 50 oo ay saarnaayeen afar shaqaale ah ayaa saaka ku burburtay dhisme ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta,” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay soo saareen maamulka garoonka caalamiga ah ee Nairobi.

Sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in diyaaraddu ay ku dul dhacday dhisme ganacsi oo ka kooban dukaammo iyo bakhaarro, balse aysan jirin cid wax ku noqotay.

Ilo wareedyo ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda ay dhinteen. “Dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda way geeriyoodeen… diyaaradda waxaa qabsatay cillad xagga dabka ah, taasoo sabab u noqotay inay dhacdo,” ayaa lagu yiri warbixin booliisku soo saareen.

Qiiq madow ayaa ka kacay dhismaha ay diyaaraddu ku dhacday, kuwaasoo qaar ka mid ah u muuqday inay ahaayeen kuwo ay dhisme ku socotay. Iyadoo agagaarka garoonka ay ku yaallaan warshado iyo sidoo kale dhismayaal la dagan yahay iyo dukaamo.

Ururka bisha Case e Kenya ayaa sheegay inay heleen maydka hal qof oo ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayna wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan dadkii kale eek u dhintay shilkan diyaaradeed.

Dhanka kale, madaxa garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta, Eric Kiraithe ayaa u sheegay warbaahinta in muddo kooban la xidhay garoonka markii uu shilku dhacay, balse ay dib u fureen, haddana uu garoonku si caadi ah u furan yahay.

Ciidamada booliiska iyo kuwa sirdoonka Kenya ayaa gaaray goobta ay diyaaraddu ku dhacday, iyagoo halkaas baadhitaanno kawada, waxaana diyaaraddan ay ka mid ahayd diyaarado maalin walba Qaadka u qaadi jiray Soomaaliya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories