HomeTirada Dad Ciidamada Boolisku ku Qab-qabteen Hawl-galo laga fuliyey Caasimadda iyo Diginiin...

Tirada Dad Ciidamada Boolisku ku Qab-qabteen Hawl-galo laga fuliyey Caasimadda iyo Diginiin Taliye Fadal u jeediyey Gaadiidleyda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa faah-faahin ka bixiyay hawl-gallo ay ciidamada Ammaanku maalmihii u dambeeeyey ka fulinayeen caasimadda, kuwaas oo la xidhiidhay xoojinta Ammaanka, ilaalinta nabadgalyada waddooyinka iyo la-dagaalanka maandooriyeyaasha.

Taliyaha-Booliska somalilndTaliyaha ciidanka Booliska waxa uu sheegay inay ciidamada ammaanku hawl-galladaas ku qab-qabteen 120 qof oo iskugu jira dhalinyarro rabshado sameeyay, Tuug iyo kuwo soo waarida maandooriyeyaasha.

“Haddii aan ka soo qaado saddexdii Cisho ee u dambeysay waxaanu qab-qabanay 120, iskugu jira Dhalinyarada Rabshadaha sameeya ee koox-kooxda isku dila, Tuug Caadaystayaal ah iyo Dad maadooriyeyaasha ka ganacsada, kuwaasi oo dhammaantood marka baadhis hufan lagu sameeyo Sharciga la hor gayn doono,” sidaas ayuu yidhi Taliyaha oo maantawarbaabinta ugu Warramay Xafiiskiisa.

Taliyaha oo ka hadlayey hawl-gallada ciidamada Nabad-gelyada waddooyinka iyo dhibaato kala haysata gaadiidleyda oo uu sheegay inay qaarkood ku xad-gudbaan shuruucda wadda-marista.

“Waddooyinka inta badan Shilal baa ka yimaada. Waxaad arkaysaa Gaadhi Laynkii uu ku jiray ka baxaya oo kuwii kale ee soo socday ka hor tagaya, wadooyinkeenuna way iska yar-yar yihiin. Waxaan halkan Gaadiidlayda iyo Darawaliintaba ugu digayaa inay ilaaliyaan Sharciga Wadda-marista Gaadiidka islamarkaana la shaqeeyaan Ciidanka Nabadgalyada Waddoonka oo ay Sharciga Raacaan, halkana waxaan ka farayaa Ciidanka Nabad galyada waddoonka Cid kasta oo oo si khaldan ugu xad-gudubta Xeerka Nabad-galyada waddooyinka in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliye Cabdilaahi Fadal waxa kale oo uu ka hadlay u diyaar garowga munaasibada ciida iyo adkaynta nabadgalyada, waxaanuu shacabka ugu baaqay in ciidanka gacan ka sii yaan ilaalinta iyo sugitaanka ammaanka sidii ay horeba ugala shaqan jireen.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories