HomeTirada Arday ka tirsan Jaamacadda Hargeysa oo Saaka Xabsiga loo taxaabay ka...

Tirada Arday ka tirsan Jaamacadda Hargeysa oo Saaka Xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay Mudaharaad sameeyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamadda Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay arday ka tirsan Jaamacadda Hargeysa oo Saaka Mudaharaadka ka sameeyey magaalada Hargeysa, iyada oo ardaydii mudaharaadsaday lagu soo ururiyey xarunta wershadda Laydhka oo muddo todobaaddo ah bakhtiisneyd.

ardaydaTaliyaha Hawl-gelinta Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa markii Ardayda lagu soo ururiyey xarunta wakaaladda Korontada Hargeysa ku amray Askartii hawl-galka ku fulisay Ardayda in ay u qaybiyaan saldhigyada Hargeysa oo ay ku xidhaan.

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa Ardayda Jaamacadda Hargeysa ee xabsiga lagu guray si arxandaro ah u garaacay iyagoo Rasaas iyo qoryaha badhkooda danbe u adeegsaday, kuwaas oo Ardayda gaadhsiiyey dhaawacyo kala duwan.

Rasaasta Booliisku u adeegsadeen Ardayda Jaamacadda Hargeysa ayaa daafaha Hargeysa laga maqlayey, taasoo dad badan sas ku riday waxaanay wadada isku xidha Jaamacadda Hargeysa iyo Biriishka labaad isu rogtay goob aad moodo in Ciidamo isku galeen.

Illaa Afartameeyo arday ayaa lagu qabt-qabtay mudaraadka, kuwaas oo markii dambe loo dhaadhiyey saldhigyada booliska ee magaalada Hargeysa oo ay ku xidhan yihiin.

Ardayda la xidh xidhay ayaa cabasho ka muujinayey lacagta Fee-ga ee laga qaado, waxaanay doonayeen in ay Cabasho la hor tagaan Wasaaradda Waxbarashada balse Ciidamadda kala duwan ee Booliiska ayaa gacan ka hadal iyo rasaas kala hor tagay si aanay fursad ugu helin in ay gaadhaan Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada oo awal dhex tagi jirtay Ardayda marka ay Mudaharaad noocan oo kale ah sameeyaan ayaa saaka ka muquuratay waxaanay isku fasaxday Booliiska iyo Ardayda.

Diif iyo daal badan oo cadho weheliso ayaa ka muuqatay wajiyada Ardayda markii weerarka lagu qaaday, waxaanay u muuqdeen kuwo ku hal-adag dhibta lagu samaynayey oo aan ahayn mid u baahnayd in Ciidan iyo Rasaas Nool midkoodna loo adeegsado.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories