HomeTifafrihii Guud ee Telefishanka HCTV oo Xilkii Iska Casilay iyo Sababo Xaasaasiyad...

Tifafrihii Guud ee Telefishanka HCTV oo Xilkii Iska Casilay iyo Sababo Xaasaasiyad Siyaasadeed abuuray oo go’aankiisa ku lammaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Haddaba, anigoo ogsoon inaan ahay qofka kowaad ee leh masuuliyada wax kasta oo ka baxa TV ga xumaan iyo samaanba waxay ila noqon weyday inaan sidaa kusii dhex fadhiyo HCTV oo aan ku sugo in la ii xidho ama dhibaato kale iga soo gaadho….”

Hargeysa (SLpost)- Tifafrihii Guud ee Telefishanka madaxa-banaan ee HCTV, Cabdilaahi Aadan Cumar (Wajab) ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay masuuiyaddii Tifaftrinimo ee uu ka hayey telefishanka guud ahaan, isaga oo go’aankiisan ku sababeeyey doc-wareen iyo ixtiraam la’aan maamulka HCTV ku sameeyey masuuliyaddii loo igmaday.

wayabCabdilaahi Aadan Cumar oo ka mid ah suxufiyiinta Ruug-caddaaga ah ee Somaliland, isla markaana dhowrkii sanno ee u dambeeyey ka hawl-galayey telefishanka HCTV, waxa kale oo iscasilaaddiisa ku sababeeyey in la doc-wareemo masuuliyaddiisa tifaftiranimo, warar aanu waxba ka ogeyn oo Mulkiilaha telefishanka amarkiisa ku socdana telefishanka laga baahiyo, sida uu sheegay Cabdilaahi Wajab.

Waxa uu Cabdilaahi sidaas ku sheegay qoraal uu go’aankiisa ku shaaciyey oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhsiiyey Somalilandpost, qoraalkaas oo dhammaystiranna waxa uu u dhignaa sidan: “Anigoo ah Cabdillaahi Aadan Cumar [Wayab] waxan iskay u go’aansaday inaan istiqaalad rasmi ah ka dhiibo shaqadii u hayey Horn Cable TV oo ahayd Tifaftiraha Guud, kadib markuu Mulkiilaha HCTV igu ixtiraami waayey hawshii iyo mas’uuliyaddii uu ii dhiibay,taasoo markaan weydiiyeyna uu iigu jawaaaybay aflagaado aanan gayin.

Waxa dhacday in anigoo jooga oo ku sugan goobta shaqada aan ku war helo warar aan isoo marin oo ka baxa Tva, markaan su’aalo Madaxa Wararkuna oo ii sheego inay tahay amarka Mulkiilaha. Arrintan markaan weydiiyey Mulkiilaha sababta uu anigoo ah Tifaftiraha iila socodsiin waayey, xataa si aan uga jawaabo haddii wax layga weydiiyo, waxa uu iigu jawaabo erayo aanan doonayn inaan halkan ku muujiyo balse ahaa kuwa aad u qallafsanaa oo aan sinaba ii qaban, isla markaana ku fiicnayn in loogu jawaabo shaqo idinka dhaxayso. Anigoo ogsoon inaan ahay qofka kowaad.

Haddaba, anigoo ogsoon inaan ahay qofka kowaad ee leh masuuliyada wax kasta oo ka baxa TV ga xumaan iyo samaanba waxay ila noqon weyday inaan sidaa kusii dhex fadhiyo HCTV oo aan ku sugo in la ii xidho ama dhibaato kale iga soo gaadho waxanan war iyo wacaal midna u ahayn, sidaaa awgeed ayaan maanta oo ah 1-da Nov,2014 go’aansaday inaan istiqaalad ka dhiibo xilkii iyo shaqadii aan u hayey Horn Cable,” sidaas ayuu Cabdilaahi ku sheegay qoraalkiisa.

Go’aanka Is-casilaadda Tifaftirihii Guud ee HCTV, ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii laga baahiyey telefishanka war lagu sheegay weji-gabax uu magaalada Gabiley kala kulmiye iyo bannaan-bax lagaga soo horjeedo iyo Calankiisa oo lagu gubay Xisbiga Kulmiye oo munaasibad taageero-raadin ah Khamiistii todobaadkii hore ku qabsaday magaalada Gabiley, arrintaas oo sababtay in xukuumaddu xabsiga dhigtay Wariyihii HCTV ee gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim iyo Weriye kale oo gobolkaas uga hawl-gala telefishanka SOMSAT, kuwaas oo lagu eedeyey inay war been-abuur ah iyo xaqiiqo aan jirin ka baahiyeen munaasibadda Xisbiga Kulmiye.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories