HomeTELESOM oo daahfurtay adeegga isku-xidhka farriimaha mobile-ka iyo emailka gmail (Gmail SMS...

TELESOM oo daahfurtay adeegga isku-xidhka farriimaha mobile-ka iyo emailka gmail (Gmail SMS Chat)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay adeeg Casriga ah oo isku-xidhaya Farriimaha moobilka TELESOM iyo Adeegga Email-ka shirkadda GOOGLE ee Gmail.

Adeeggan oo cusub ee shirkadda TELESOM oo loogu magacdarro GMAIL SMS CHAT waxa uu u suurto-gelinayaa Macaamiisha Shirkadda inay farriimo bilaash ah Moobilada TELESOM uga diraan Farriimaha Gmail, kuwaasi oo iyaguna u soo jawaabi kara.

blankShir Jaraa’id oo ay shirkaddu ku soo bandhigtay adeeggan casri ah oo ay ku qabatay Hotel Maansoor, waxa ka hadlay masuuliyiin ka socota shirkadda oo ka warramay faa’iidada barnaamijkan iyo guud ahaan adeegyada kale ee shirkaddu ay siiso Macaamiisha.
Waxa kale oo masuuliyiintu ay ka warrameen in ay maanta la kulmi doonaan wefti ka socda Shirkadda Google, oo ay ka wada hadli doonaan horumarinta adeeggan iyo soo bandhigidda adeegyo kale.

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha & Daryeelka Macaamiisha, Mr. Mustafe Aadan Muuse oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id waxa uu sheegay in adeeggani uu ka mid yahay adeegyada loo yaqaano Value Added Services, oo ah adeegyo dheeraad ah oo macaamiisha loogu daro adeegyadii lafdhabarka ahaa ee sida codka, Zaadka iyo internetka ee ay ku isticmaali jireen moobilkooda.

Mr. Mustafe waxa kale oo uu sheegay in ay hore u jireen adeegyo VAS ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin barnaamijka AqoonMaal, oo ay macaamiishu kala socdaan wararka iyo macluumaadka kale ee faa’iidada u leh. Waxa kale oo sharaxaad ka bixiyay Adeegga Shaafi, oo ah barnaamij caafimaad oo loogu talogalay hooyada uurka leh.

blankMr. Cadnaan Daahir Muxumed, Madaxa Xidhiidhka Caalamiga ah ee Shirkadda TElesom oo isna ka hadlay shirka jaraa’id waxa uu sheegay in shirkaddu ay la leedahay xidhiidho ganacsi oo waaweyn shirkado kala duwan oo ka mid ah adduunka sida Eeshiya iyo Yurub; kuwaasi oo ah shirkadaha soo saara qalabka isgaadhsinta casriga ah iyo shirkadaha kale ee telefoonda dibadda. Waxana uu Mr. Cadnaan sheegay in xidhiidhkaasi muhiim u yahay sidii ay macaamiishoodu u heli lahaayeen adeegyo tayo leh oo kuwajahan xidhiidhka dibadda iyo gudahaba.

Madaxa Xidhiidhka Caalamiga ah waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan wadamo badan oo ay ugu muhimsan yihiin kuwa ay bulshada Somaliland ku xidhan tahay oo ay ka hirgeliyeen 2 sanno horteed oo ah adeegga loo yaqaano Mushaax, oo suurtogelinaya in macmiilku uu moobilkiisa Telesom la tago meelkasta oo adduunka ka mid ah; isla markaana ay qurbajoogga reer Somaliland la iman karaan wadanka simcardskooda dibadda oo ay kaga hadli karaan Network-ga Telesom.

Cadnaan waxa uu intaasi ku daray in adeegga GMAIL SMS CHAT loogu talogalay qurbajoogga, si ay si joogto ah ugula xidhiidhaan ehelkooda ku sugan wadanka ee isticmaalka moobilka Telesom; waxa kale oo adeeggan loogu talogalay dhallinyarada oo si fudud ula qabsan og teknoolajiyadda, isla markaana jeebkoodu yar yahay oo ka faa’iidaysanaya farriimahan bilaa lacagta ah. Waxa kale oo GML SMS ka faa’iidaysan doona goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo goobaha kale ee bulshada.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories