HomeTelefoonnada Casriga ah oo Keena Cudurrada Maskaxda ku Dhaca

Telefoonnada Casriga ah oo Keena Cudurrada Maskaxda ku Dhaca

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Dadka shaqaalaha ah waxa xannuunka isku buuqa ku rida amma ku keena inay maskax ahaan ka mashquulaan telefoonnadooda casriga ah (smartphones), waayo waxay mar walba ku foogan yihiin farriimaha u soo dhaca si ay uga jawabaan sida lagu sheegay daraasad khubaro Ingiriis ah sameeyeen.

In qofku farriimaha Email ah ka jawaabo, telefoonkana ku hadlo, isla markaana iska xidhi kari waayo inta uu shaqada xafiiska ka nasanayo waxa ay keentaa inuu maskax ahaan u bukoodo qofku, isagoo mashquul badan gala.

Taladan oo ay soo saareen khubaro ka tirsan xarun la-talinta dadka qaabilsan oo la yidhaa Camden Council oo London ku taal, ayaa shaqaalaha isku buuqa ugu badan ee ay la kulmaan ay keenaan moobilada iyo tiknoolajiyada kale ee inta shaqada ay ka maqan yihiin isticmaalaan.

Warbixinta khubarada oo la daabacay toddobaadkii hore waxay sheegtay in 20% xannuunka maskaxda kala soo darsa dadka ay ugu wacan tahay isku buuqa oo aad u tiro bata oo ay keento in qofku maskax ahaan u nasan waayo.

“Waxa loo baahan yahay in laga hortago in shaqaaluhu nasan waayaan, waxana ku jirta khatar badan haddii shaqaaluhu isku buuq badan kala kulmaan farriimaha moobilladooda ugu soo dhacaaya, gaar ahaan kuwa Email ah ee loo soo diro,” ayey yidhaahdeen khubarada Camden Councils.

Golahani waxa ay dadka u soo jeediyeen inay waqtiyada firaaqada jimicsi sameeyaan iyo waxyaabo ay naftooda ku farxad gelinayaan, kagana nasanayaan shaqada culus ee uu ka soo baxay amma ku jiro inta uu shaqaynayo.

“Xannuunada maskaxda ku dhaca waa waxyaabaha ugu badan ee sababa in qofku shaqada ka maqnaado. Tiro ka badan 70% dadka waaweyn ee shaqeeya ee England ayaa cimrigooda inta ugu badan shaqo ku dhammaysta oo aan marna nasan, waxaannu qofku fursad u haystaa inuu maskaxdiisa caafimaadkeeda ka fikiro oo uu nasto,” ayuu yidhi Dr. Justin Varny oo khubaradan ka mid ah.

Xigasho Maankaab

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories