HomeTelefishanka Al-jazeera Oo Warbixin Ka Diyaariyay Qaxoontiga Kusoo Qulqulaya Somaliland

Telefishanka Al-jazeera Oo Warbixin Ka Diyaariyay Qaxoontiga Kusoo Qulqulaya Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sanca, (SLpost)- Dagaalka culus ee u dhexeeya xoogaga isbahaysiga iyo fallaagada shiicada ee Yemen ayaa ku qasbay kumanaan qof in ay cagaha wax ka dayaan oo ay nafta kula cararaan doonyaha u shiraacanaya Geeska Afrika.yemaniyiin

Warbixinta  Al-jazeera kaga hadashay  dadkaasi ka soo qaxaya dagaalada ayaa waxa ay kaga warrantay  in ay qaybo ka mid ahi ka soo degeen dekeda Berbera, halkaasi oo ay ka heleen gabood ay kaga badbaadaan weerarada cirka ee Sucuudigu hoggaaminayo.

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), oo telefishinka  Aljzeera warbixinta ku waraystay  ayaa isna sheegay  in dagaalka ka socda dalka Yemen saamayn ku yeeshay  xarakaadka dekedda iyo guud ahaanba Somaliland.

“Dagaalka ka socda Yemen ma aha mid noo fiican annaga, saamayn xun oo dhinaca dhaqaalaha ah ayaanu nagu yeeshay, waxaana hadda joogsaday dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka dhexeeyey Somaliland iyo Yemen. imminka ma dhoofino xoolihii aannu maalin kasta dhoofin jirnay, sidoo kale badeecadihii kala duwanaa ee Yemen ka iman jiray ayaa istaagay, taas oo aannu ku khasaarnay ama ku weynay lacag badan,” ayuu yidhi Maareeyaha dekadda Berbera.

 

Telefishanku waxa uu  xusay in ay dadkani ka mid ahaayeen kumanaan qof  oo ka soo cararay Yemen tan iyo markii bishii March   ay bilaabmeen  dagaaladdu.Haseyeeshee sida ay sheegtay Aljazeera,”Ma jiraan wax ha’yado ah oo kaalmo siiyay si ay u soo dhaweeeyaan, waxaanay badidoodii iska dhex galeen bulshadda.

Axmed Xasan Xaashi   oo ka mid ah dadkaasi yimid Berbera ayaa sheegay in ay ku qaadatay laba maalmood  ka badan inuu kaga soo gudbo  badda oo uu  soo gaadho xeebta Somaliland isaga oo faro madhan oo ay ka dhammaatay wixii uu lacag haystay. Dagaalka culus ee fallaagada shiicada iyo isbahaysiga ayaa ka soo eryay caasimada Sanca oo uu ku soo noolaa 12 sanno, halkaasi oo uu ka shaqaysan jiray, balse ay dani ku qasabatay inay isaga iyo shan carruur ah oo uu dhalay nafta la cararaan iyaga oo wax yar ka haleelay dharkii. Waxa ay u ahayd markii labaad ee uu ka baxsado dagaal.

“Sida  roobka ayaa bamamku ugu soo dhacayeen meel kasta. Suurto-galna ma ahayn in la sii joogaa,” ayuu yidhi  Xaashi  oo la hadlayay  Al Jazeera. “Waxa aan tegayYemen aniga oo ka cararay dagaalka  Soomaaliya. Haddana waxa aan dib ugu  soo cararay halkan (Somaliland), sababtuna waa dagaalka Yemen.”

Xaashi  iyo  xaaskiisa  Jamiila Axmed  waxa ay isku dayayeen in ay quudiyaan carruurtooda oo ag fadhiday, laakiin ma ay haysan wax aan biyo ahayn.

Carruurtooda  oo wax ku baranaysay Yemen oo ag fadhiday ayaa weli  ku jiray xaalad argagax leh wixii ay soo mareen awgeed.

Noloshooda oo dhan waxa ay ku soo qaateen Yemen, halkaasi oo keliya ayayna  u yaqaanaan hoygoodii.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories