HomeTelefishanka Al-Jazeera oo soo Bandhigay Shirqoollo lagu Khaarajiyo Culimada Muslimka ah ee...

Telefishanka Al-Jazeera oo soo Bandhigay Shirqoollo lagu Khaarajiyo Culimada Muslimka ah ee dalka Kenya iyo Doorka Sirdoonka Maraykanka iyo Israa’iil ku leeyihii (DAAWO WARBIXIN)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Telefishanka Al-Jazeera, ayaa soo bandhigay dokumentiyo Caddeymo u ah iyo Xog-warran Saraakiil Booliska dalka Kenya oo badka soo dhigay shir-qoollo ay iska kaashadaan Sirdoonnada Kenya iyo Kuwa Reer Galbeedka, kuwaas oo lagu khaarajiyo Culimada Islaamka ah ee ku dhaqan dalka Kenya, iyada oo sannadihii u dambeeyey dalka Kenya lagu laayey wadaaddo caan ka ah oo lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda Al-Shabaab.

Telefishanka Al-Jazeera oo soo Bandhigay Shirqoollo lagu Khaarajiyo Culimada Muslimka ah ee dalka Kenya iyo Doorka Sirdoonka Maraykanka iyo Israa’iil ku leeyihii (DAAWO WARBIXIN)Culimada ku dhaqan dalkaasi Kenya, ayaa qaarkood lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanka Somalia, waxaana dacwado eedaheeda ka tarjumaya lagaga oogaa maxkamadaha dalkaas oo muddo ku gudo-jira baadhitaanno iyo caddaymo loo raadiyo dambiyada loo haysto, haseyeesehee marka ay maxkamaddu wax dambi ah ku weydo isla markaaana xorriyaddooda loo soo celiyo, waxa ay ciidamada Booliska Kenya ka hawl-galaan sidii toogasho qarsoon loogu khaarajin lahaa culimada oo ay ku tilmaameen qaar khatar ku ah ammaanka dalkaas, iyaga oo taageero ka helaya Sirdoonka dalalka Israa’iil, Ingiriiska iyo Maraykanka oo si xooggan uga hawl-gala Kenya. Waxaana shir-qoolladan labadii sanno ee u dambeeyey lagu fuliyey Dhowr wadaad oo si weyn looga dhex-yaqaanno bulshada Muslimiinta ah ee Kenya oo la tilmaamo inay boqolkiiba 10 ka yihiin Shacbiga waddankaas.

MID KA MID AH CULIMADA SHIRQOOLKA LAGU DILAY
MID KA MID AH CULIMADA SHIRQOOLKA LAGU DILAY

 

Qaar ka mid ah Saraakiisha Afar Kooxood oo ka mid ah Waaxda La-dagaalanka Argagixisada ee dalka Kenya oo la hadlay Barnaamijka Waaxda Daba-galka ee Telefiishanka Al-Jazeera, ayaa markii ugu horeysay qirtay inay Bileyska Kenya Khaarajiyaan dad la tuhunsan yahay, kadib marka ay amarto Xukuumadda Kenya.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Bilesyka ee la-dagaalanka Argagixisada ee Kenya (ATPU) ayaa u sheegay Telefiishanka Al-Jazeera in amarka khaarajinta shakhsiyaadkaasi uu ka yimaado ama ay soo bixiyaan Gole Qaran oo la yidhaahdo Golaha Ammaanka Qaranka Kenya.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubnaha ka midka ah Golaha Ammaanka Qaranka ayaa beeniyay inuu jiro barnaamij khaarajin ah oo ka sareeya garsoorka dalkaas.

SARAAKIISHA CIIDAMADA KENYA EE XOGTA BIXIYEY MIDKOOD
SARAAKIISHA CIIDAMADA KENYA EE XOGTA BIXIYEY MIDKOOD

Falalkan Khaarajinta ah, ayaa sida ay sheegeen Saraakiisha Waaxda ATPU, waxay sannadkii gaadhaa in la khaarajiyo boqolaal qof. “Maalin markaad dhaaftoba waxaad maalinta xigta maqlaysaa khaarajin lagu sameeyay dad la tuhunsan yahay. Waxaa loo adeegsadaa Bileyska laftiisa, waxa kale oo aanu haysataa kooxaha gaarka u tababaran ee ay ka midka tahay kooxda GSU. Iyadoo aanan hayn wadarta guud, waxaanse ku odhan karaa dadka ilaa hadda la khaarajiyay waxay ku dhawaanayaan ilaa shan boqol oo qof (500)” ayuu yidhi Sarkaalkani.

Barnaamijkan lagu baahiyay Telefiishanka Al-Jazeera habeen hore, ayay Saraakiishani shakhsiyan u qirteen inay iyaga laftoodu gacantooda ku khaarajiyeen ama ku dileen dad la tuhunsanaa. Sarkaal ka tirsan Waaxda Adeega Guud ee shirkadda Ammaanka ee Recce (GSU) ayaa telefiishanka Al-Jazeera u sheegay oo yidhi: “Tan iyo intii layga shaqaaleeyay Waaxdan, waxaan gacantayda ku dilay ilaa konton qof (50), waanan ku faanayaa sababtoo ah waxaan ka takhalusay dhibaatooyin.”

Saraakiishani waxay ku doodeen in taagdararidda Garsoorka Kenya uu ku khasbay inay fuliyaan hawl-galladan khaarajinta ah, ka dib markii ay bileyskuna ku fashilmeen inay keenaan cadaymo xoogan oo lagu maxkamadayn karo dadka lagu tuhunsan yahay argagixisada, waxaana ilaa hadda la rikoodh gareeyay kiis keliya oo eeddii lagu helay.

HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories